4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 1 , 2018
Adeega AAMIN AMBULANCE oo laga yaabo in uu is taago

 

Arbaco, August, 01, 2018 (HOL)–Dhibaato dhaqaale, shaqaale yari iyo waliba daruufo kale oo la soo darsay ayaa laga yaabaa ugu danbeyntii ay meesha saarto Adeega AAMIN AMBULACE ah adeeg siweyn 12kii sano ee la soo dhaafay u mahadiyeen shacabka reer Muqdisho oo ay daashadeen dagaallo iyo colaado sokeeye.

‘’Adeegan gurmadka deg deg ah ee AAMIN AMBULACE, waxaan soo waday muddo 12 sano ah, annaga oo caawimad ka heleyna shaqsiyaad gaar ah, laakiin hadda awoodeen-na waa ay ka baxsan tahay baahiyaha jira ayuu yiri Cabduqaadir Cabdiraxmaan Aadan oo ah aas-aasaha AAMIN ABULACE, islamarkaana dhinaca kale ah dhakhtar ku taqasusay daweynta Ilkaha.

Wuxuu sheegay isaga oo la hadlay qeybaha kala duwan ee warbaahinta in muddadii ay howshan soo wadeen gurmad caafimaad oo deg deg ah  u fidiyeen dad gaaraya 31,704 oo ay soo wajahday khataro dhinaca caafimaadka ah.

Goobaha ugu badan ee lagu arko adeegan ayaa ah meelaha ay ka dhacaan qaraxyada ay geystaan kooxaha ka soo horjeeda dowladda iyo goobaha kale ee masiibooyinka kale ee dabiicaga ka dhacaan, waxaana siweyn loogu xasuustaa gurmadkii baaxada lahaa oo ay AAMIN AMBULACE uu ka geystay dhacdadii 14kii October ee Zoobe oo ay ku nafwaayeen dad kor u dhaafaya 512 ruux, tiro kale oo ka badan 300 oo ruux.

Muqdisho ayaa ka hor adeegan dadka ay wax-yeelladu ka soo gaarto dagaallada iyo qaraxyada waxaa goobaha caafimaad lagu gaarsiin jiray Gaari-gacamo, taasoo keeni jirtay in qofkii uu dhiigbax u dhintay ka hor inta aan la gaarsiin goob caafimaad.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]