4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 1 , 2018
Shaafi Raabi : Waxaa leygu qabsaday Baasaboor-ka iyo warqadihii socdaalka ee aan sitay

 

Arbaco, August, 01, 2018 (HOL)–Guddoomiyaha ganacsatada dowlad gobolleedka Jubbaland, islamarkaana ah xoghayaha rugta ganacsiga Soomaaliyeed Shaafi Raabi oo dib ugu laabtay magaalada Kismaayo ayaa sharaxaad kooban ka bixiyay wax-yaabihii ka qabsaday garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Shaafi ayaa sheegay in waqti kooban xoriyad ka qaadis lagu sameeyay gudaha garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, kaddib markii hay’addaha amaanka ugu xil saran ku qabsadeen Dukumiintiyadii uu sitay iyo Baasaboor-ka Diblomaasiga ah.

‘’Wixii ka dhacay Garoonka Aadan Cadde marabo in aan fasiraad xun sii saaro, laakiin waxaa ay aheyd dhacdo kooban oo si aan habooneyn u dhacday, waxaa leygu qabsaday Dukumiintiyadii aan sitay iyo Baasaboor-ka Dibloomaasiga ee aan wato oo ley weydiiyay sida aan ku qaatay, wati yar oo kooban ayaa-na xoriyada leyga qaaday’’ ayuu yiri guddoomiyaha Rugta gacansiga Jubbaland.

Shaafi ayaa intaa ku daray in dhamaan-ba uu tusay Dukumiintiyadii iyo aqoonsiyadii uu uga qeyb-galay shirarkii caalamiga ah ee looga hadlayay arrimaha Soomaaliya oo uu ugu danbeeyay kii lagu qabtay magaalada Brussels, hasse ahaatee aysan ku qancin saraakiisha amniga garoonka diyaaradaha.

Balse waxaa uu sheegay in markii danbe ay arinta soo fara-galiyeen Wasiiro, xildhibaanno, mas’uuliyiin ka tirsan xafiiska madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha, siyaasiyiin iyo ganacsato oo sida uu hadalka u dhigay ka xumaaday waxa dhacay.

‘’Waxaan u mahad celinayaan Wasiirrada ku jira dowladda dhexe ee ka soo jeeda Jubbaland, siyaasiyiinta Soomaaliyeed iyo guud ahaanba dadkii ila soo xiriiray ee arintan ka xumaaday’’ ayuu yiri Shaafi Raabi oo la hadlayay Warbaahinta.

Hadalka guddoomiyaha rugta ganacsiga Jubbaland ayaa imanaya xili dhinaca kale Wasiirka Duulista Hawada dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad uu shalay sheegay in aan la xirin guddoomiyaha.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]