11/24/2020
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 8 , 2018
Saddex Xisbi siyaasadeed oo Shahaadooyin la guddoonsiiyay



Axad, April, 08, 2018 (HOL)- Waxaa xarunta Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka lagu gudoonsiiyey Shahaadada Xisbinnimo seddax Xisbi siyaasadeed oo soo buuxiyey sharuudaha ka mid noqoshada xisbiyada siyaasadeed.

Furitaanka xafladda waxaa hadalo soo dhaweyn iyo ujeedada kulanka ka soo jeediyey xubin ka mid ah Guddiga  oo lagu magacaabo Xuseen Cabdi Aadan ayaa hoosta ka Xariiqey  in kulanka maanta loo fadhiyo uusan aheyn kulankii ugu horeeyey balse kulan kan ka horeeyey lagu gudoonsiiyey Todobo Xisbi siyaasadeed shahaadada aqoonsiga ku meel-gaarka ah ee xisbinnimo. 

Wuxuu kaloo sheegay  ujeedooyinka ugu waa weyn ee loo diiwaan-geliyey aqoonsigana loo siiyey xisbiyada inay tahay, inay xafiisyo furtaan ayna raadsadaan taageero.wuxuu kaloo kula dardaarmey Mudane Xuseen in Xisbiyada ay ka shaqeeyaan dimuqradiyada iyo horseedka nabadda iyo xasilooni ay hesho Soomaaliya. 

Xisbiyada la guddoonsiiyey Sahaadada ku meel gaarka ah waxay kala yihiin, Xisbiga TIIR, Xisbiga WADAJIR iyo Xisbiga SAMU.Waxaa kaloo jira xisbiyo kale oo weli ku jira diyaargarowga hubinta sharciga ka mid noqoshada xisbiyda siyaasadeeda.

Dhinaca kale magaca Saddexda Xisbi ee la guddoonsiiyey Shahaadada waxaa ku hadlay Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir Kamaal Daahir Guutaale oo sheegay in aysan ahayn shaqo fudud diiwaangelin lagu sameeyo xisbi u baahan inuu noqdo xisbi sharciyeysan, wuxuu kaloo sheegay Kamaal inuu soo marey xisbigiisa marxalado kala duwan oo ku qaadatey mudo 3 bilood ah, isagoona u mahadceliyey guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka dadaal dheer ka dib u suuragelilay inuu ka mid noqdey xisbiga uu madaxda ka yahay xisbiyada helay sharciga ku meel gaar ah.

Kamaal ayaa caddeeyey in aasaasida axsaab siyaasadeed ay ka dhigan tahay in laga gudbey marxaladihii jabhadeynta iyo xagjirnimada.

Ugu dambeyn waxaa xaflada hadlo dhiirrigelin iyo dardaaran isugu jira ka soo jeedisey Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismacil oo sheegtay in aysan sahlaneyn in xisbi la diiwaangeliyo, uuna jirey caqabado badan oo lagala kulmaayey intii lagu guda jirey diiwaangelinta xisbi walbo.

Waxaa ay xustay qodobka ah in Xisbi walbo uu ku caddeeyo xaquuqda dadka laga tirada badan yahay iyo haweenka inay ku soo koobi jireen %30, xafiiska Xisbiyadana uu ka diidi jirey, sababtoo ah, hadii dadka laga tirada badan yahay ay la qeybsadaan Koontada %30 kii haweenka, aysan suuragal noqon karin tirsadaan in ay wada daboosho xaqii la rabay in ay wada helaan labadaasi qeybood ee haweenka iyo dadka laga tirada badan yahay.

Gudoomiyaha ayaa sheegtay in tirada la siiyey shahaadada ku meelgaarka ah ee xisbi ahaanshaha inuu gaarey 10 xisbi, xisbiyo kalana ay weli lagu wado hubtintii xeerarkii iyo sharciyadii uu ku heli lahaa shahaaadada.

Dhinaca kale Guddoomiyaha ayaa ka codsatey xisbiyada inay kala shaqeeyaan sharciga doorashada iyo nooca doorasho ee la doonaayo in dalka uu ka dhaqan galo sanadka 2020-ka.

Waxayna yidadiilo wanaagsan ka muujisey gudoomiye Xaliimo Yareey in dalka ay ka dhici doonto doorasho hal cod iyo hal qof ah 2020 ka, iyadoo cadeymo u soo qaadatey kulamo dad gaaraayo 60,000 Soomaali ah ay la soo yeesheen wadatashiyo ku aadan qabsoomida dooorasho xor iyo xalaal ah, kuwaasoo ay ka heleen guddigu in baahi loo qabo in dalka ay ka dhaco doorasho hal cod iyo hal qof ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
4/8/2018 4:38 PM EST
Axad, April, 08, 2018 (HOL ) – Muqdisho caawa hadal heynta ugu weyn ayaa ah lacagta lagu qabtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyo kulanka la filayo in maalinta Berri ah ku yeeshaan xarunta Golaha Shacabka xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya kaa oo Ajandihiisu yahay kalsooni kala noqoshada guddoomiye Jawaari.

4/8/2018 1:13 PM EST
Axad, April, 08, 2018 (HOL)- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya diyaarad siday sida la sheegay lacag fara badan oo lagu qabtay garoonka diyaaradaha Aadan.

4/8/2018 11:04 AM EST
Axad, April, 08, 2018 (HOL)-Suldaan Nadiif Saydh Jibriil oo ka mid ah madax dhaqameedka Somaliland ayaa maanta lagu xidhay magaaladda Burco ee gobolka Togdheer.

4/8/2018 6:49 AM EST
Axad, April, 08, 2018 (HOL) - Warar saacadihii ugu danbeeyay soo baxay ayaa sheegaya in guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Cabdiwali Muudeey u diray xildhibaannada taageersan mooshinka isaga oo ku war-galiyay in ay ka soo qeybgalaan kulan maalinta Berri ah ka dhacaya xarunta Golaha Shacabka.

4/8/2018 5:44 AM EST
Axad, April, 08, 2018 (HOL)-Dhisme ganacse oo uu madaxweyne Mareykanka Donald Trump uu ku leeyaha magaalada New York ayaa lagu waramayaa in uu dab qabsaday.

4/8/2018 4:08 AM EST
Axad, April, 08, 2018 (HOL)-Guddiga la socodka dib u eegista dastuurka ayaa sheegay in la kordhiyay tirada uu guddiga ka kooban yahay, iyadoo markii u horeysay xubno ka socday maamul goboleedyada lagu soo daray.

4/8/2018 3:51 AM EST
Axad, April, 08, 2018 (HOL) - Iyadoo maalmihii aynu soo dhaafnay dadka iyo gaadiidleyduba dhibaato weyn ku qabeen xirnaashaha jidadka magaaalada Muqdisho ayaa waxaa soo ifbaxaya yidiilo ay muujinayaan dadweynaha iyo gaadiidleyda intaba kaddib markii la qaaday ciidamadii ku sugnaa Isgoysyada magaalada Muqdisho dibna loo furay dhamaanba jidadka u xirnaa Amaanka dartii.

4/8/2018 12:15 AM EST
Axad, April, 08, 2018 (HOL)-Inta la xaqiijinayo Saddex ruux ayaa ku dhimatay tiro ka badan 20 ruuxna waa ay ku dhaawacmeen kaddib markii nin gaari xawli ku socda wata jiirsiiyay magaalada Muenster ee galbeedka dalka Jarmalka dad maqaaxi ku sugnaa.

4/8/2018 12:08 AM EST
Axad, April, 08, 2018 (HOL)-Waxaa guud ahaanba laga saaray fariisimihii ay ku lahaayeen bartamaha magaalada Muqdisho ciidamadii xasilinta ee bilihii ugu danbeeyayba ku sugnaa isgoysyada magaalada, waxaana badalaya ciidamada oo fariisimahoodii la wareegaya ciidamo Booliis ah.

4/8/2018 12:02 AM EST
Axad, April, 08, 2018 (HOL)-Waxaa muuqanaya in hadda baadi goob loogu jiro sidii loo qaboojin lahaa xiisad siyaasadeed todobaadyadii ugu danbeeyayba ka dhax aloosneyd xildhibaannada Golaha Shacabka kaddib guddiyo shalay loo saaray xal u helida khilaafka.