4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 29, 2018
Soomaaliya oo ku guuldareysatay Finalka Koobka CECAFA oo galabta lagu soo gabagabeeyay Burundi

 

Axad, April, 29, 2018 (HOL) – Waxaa soo idlaatay goor dhaw cayaar xiiso laheyd oo dalka Burundi ku dhaxmartay xulka 17 sano jirada Soomaaliya iyo Tansaaniya Lugtii ugu danbeysay Koobka CECAFA.

Ciyaarta ayaa qeybteedii hore ku bilaabatay weerar iyo weerar celis oo ay Soomaaliya ku gacan sarreysay.

Daqiiqadihii hore ee cayaarta ayaa waxaa garoonka qabsaday Roob xoog leh oo sababay in muddo ku dhan 30 daqiiqo cayaarta la hakiyo.

Markii leysugu soo laabtay qeybtii labaad Xulka Soomaaliya waxaa ay soo xoojiyeen weerarkii ay ku hayeen Goolka Tansaaniya walow aysan helin goolka daah furka.

Xulka kubadda Cagta Tanzania ayaa helay Goolka koowaad daqiiqaddii 25-aad iyaga oo ka faa’ideystay dal daloolo ay ka heleen daafaca Soomaaliya.

Laakiin xulka Soomaaliya ayaa bilaabay dadaal ay ku doonayeen in ku hellaan Goolka barbar dhaca waxa ayna dhaliyeen Gool balse waxaa looga diiday Off-side.

Qeybtii labaad ee ciyaarta, xulka 17 jirada ah ee Soomaaliya waxaa marar badan halis iyo shaki badan ku abuuray xulka Tansaaniya.

Kubaddo badan oo halis ahaa ayeey ku tuureen goolka balse ma dhicin in ay Goolka berbar dhaca keenaan.

Daqiiqaddii 70-aad, kubad ay dhayalsadeen goolhayaha iyo daafacyada Soomaaliya ayey ku heshay Tanzania goolka labaad.

Xidigaha Soomaaliya ma aysan kala joojin weerarka ay mar walba ku hayeen goolka dalka Tansaaniya, laakiin uma aysan suurtagalin in ay wax gool ah helaan.

Cayaarta ayaa ku soo dhamaatay 2-0 oo kooxda Soomalia loogu awood sheegtay inkasoo ay soo bandhigeen ciyaar aad u heer sareysay.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hor inta aysan cayaarta bilaabay khadka Telleefoonka kula hadlay tababaraha xulka Kubadda Cagta Soomaaliya isaga oo ku dhiiri-galiyay cayaarta una rajeeyay Guul.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]