4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 29, 2018
Galmudug oo ku baaqay in deg deg loogu gurmado dadka ay fatahaadu ku dhufatay ee magaalada Beledweyne

 

Axad, April, 29, 2018 (HOL) – Madaxda xukuumada maamul gobolleedka Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xassan ayaa ugu baaqay ganacsatada iyo guud ahaanba bulshada ku dhaqan deegaannada Galmudug in gurmad deg deg ah loo sameeyo dadka ay daadadku saameeyeen ee ku dhaqan magaalada Beledweyne.

‘’Shacabka ku dhaqan deegaannada Galmudug iyo ganacsatada ee ka naxaya dhibibtaada ka dhalatay fatahaada Wabiga ee ka taagan magaalada Beledweyne waxaa ugu baaqeynaa in si deg deg ah u gurmadaan’’ ayuu yiri madaxda xukuumada Galmudug.

Madaxa Xukuumadda Galmudug ayaa sheegay in dhammaan ay Garoomadda Galmudug u furi doonaan Gargaarka loo waddo Hiiraan, islamarkaana Galmudug ay gaarsiin doonto wixii gargaar ah ee dhinacooda loo soo marinayo maadaama sida uu hadalka u dhigay biyo fadhiisteen Garoonkii weynaa ee Beledweyne.

Waxaa soo baxaya fariimo iyo baaqyo kala duwan oo loo jeedinayo dowladda federaalka iyo hay’addaha samafalka oo la xiriira u gurmashada dadka ku barakacay fatahaada Wabiga.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]