Axad, April, 29, 2018 (HOL) – Madaxweynaha maamulka Hirshabeele
Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in
saameynta iyo khasaaraha ka dhashay Fatahaada magaalada Beledweyne yihiin kuwo
sii kordhaya.
Madaxweyne Waare oo la hadlayay
Laanta afka Soomaaliga ee BBC -da ayaa sheegay in 80% la oran karo waa ay
barakaceen dadkii ku dhaqnaa magaalada oo maciin badan dhulka Bari ee taaga ah
sida Ceel Jaale iyo Jente-Kuundisho.
"Magaaladda haatan waa laga soo
baxay,fataahadii waliba xalay iyo habeen hore aad bay u soo xoog yeelatay
roobabkiina way da'yaan, magaalada 80% waa laga soo baxay, dhinaca barina ilaa
meesha la yiraahdo Jente Kuundisho ilaa Ceel Jaalle, halkaasaa dadku wada
joogaan, dhinaca kale galbeedka magaalada hadba meeshii ay joogto ilaa
xaafaddaha meelaha roon roon ayaa lagu baxay, magaalada Baladweyne 100% waa
laga baxay" ayuu yiri Waare.
Wuxuu sheegay in wali biyaha Wabigu yihiin kuwo
sareeya oo aan sameynin wax nusqaan ah, sidoo kalana wali da’ayaan roobab
lixaad leh.
Xaafadaha magaalada Baladweyne meelaha qaar
biyuhu waxay qofka u joogaan kala bar qofka joogiisa.
Ra'iisal wasaare Xassan Cali Kheyre ayaa ugu baaqay
hay'addaha gurmadka in ay gurmad la gaaraan dadka ay saameyeen daadadka.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]