4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 28, 2018
Shir looga hadlayo Fatahaada Wabiga Shabeelle oo goor dhaw ka furmay magaalada Beledweyne

 

Sabti,, April, 28, 2018 (HOL) – Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa shir guddoominaya kulan goor dhaw ka furmay xarunta madaxtooyada Soomaaliya oo looga hadlayo xaalada Fatahaada Wabiga Shabeelle uu ka sameeyay qeybo ka mid ah gobollada dalka, gaar ahaan magaalada Beledweyne.

Shirkan ayaa waxaa ka qebgalay, Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Soomaaliya, xildhibaanno, guddiga ka hortagga musiibooyinka Qaranka, Ganacsato iyo Hay’adaha aan dowliga ahayn ee gudaha dalka ka howlgala.

Shirkan waxaa diiradda lagu saaraya sidii gargaar deg deg ah loo gaarsiin lahaa dadka ku dhibaateysan magaalada Baledweyne.

Waxaa lagu wadaa in shirka lagu magacaabo guddi ka shaqeyn doona sidii loo gargaari lahaa dadka ay saameyn ku yeesheen Fatahaada.

Wixii warar ah ee ka soo kordha shirkan waan idin soo gudbin doonnaa..

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]