4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 28, 2018
Shaki laga muujinayo waxa xiligan ku soo beegay Dastuurka Nuqulkiisa la qeybiyay

 

Sabti,, April, 28, 2018 (HOL) – Iyadoo dhawaan guddoomiye ku-xigeenka Golaha Shacabka Ibraahim Sheekh Muudeey xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya u qeybiyay Nuqullo ka mid ah dastuurkii uu horay u sheegay in la xaday, ayaa hadda waxaa soo baxaya shaki arintan ay ka muujinayaan qaar ka mid ah xildhibaannada Golaha Shacabka.

Xildhibaan Cabdalla Xusseen Cali ka mid ah mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa sheegay in dareen iyo shaki badan uu ka dhax abuuray dastuurka dowladda Soomaaliya iyo guud ahaanba shacabka Soomaaliyeed, isaga oo su’aal galinaya waxa xiligan ku soo beegay in la soo bandhigo qeybo ka mid ah dastuurka oo qaarkood ka hadlay tirada xildhibaanada Golaha Shacabka oo hadda ah 275 xildhibaan, laakiin dastuurka la soo bandhigay uu dhigayo in tirada xildhibaannada Golaha Shacabku noqonayaa 225 mudane.

‘’Ma garanayo sababta loo soo bandhigay Nuqulo ka mid ah dastuurka la sheegay in la xaday, maxaa yeelay tirada ku xeeqan dastuurka ee Golaha Shacabka waa 225 mudane, taasoo macnaheedu noqonayo in uu saameynayo xasaannada 50 xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka’’ayuu yiri xildhibaan Cabdalla.

Sidoo kale Dastuurka la soo bandhigay ayaa dhigaya in muddada xil heynta madaxweynaha Soomaaliya ay noqoneyso 5 sano, halka dastuurka hadda lagu dhaqmayo uu qeexayo in madaxweyhuhu xilka heyn karo oo kaliya muddo ku siman 4 sano.

Ibrahim Omar Baafo, Hiiraan Online
[email protected]