3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 28, 2018
Dowladda Soomaaliya oo kulan deg deg ah ka yeelaneysa xaalada Fatahaada

 

Sabti,, April, 28, 2018 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa lagu waddaa in ay kulan deg deg ah ka yeelato xaalada Fatahaada ku dhufatay qeybo ka mid ah gobollada, gaar ahaan magaalada Beledweyne oo ay ku soo rogmadeen biyihii ugu badnaa ee soo mara sanadihii ugu danbeeyayba.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa la filayaa in uu kulanka shir guddoomiyo, iyadoo ka qeybgali doonaan hay’adda ku shaqada leh gargaarka.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dadaaleysa sidii gargaar loo gaarsiin lahaa dadka ku dhibaateysan magaalada Baledweyne.

Magaalada Baledweyne ayaa waxaa ka taagan Xaalad adag kaddib markii daadad xooggan ay ku dhufteen.

Sidoo kale deegaannada ay uu Wabigu ku fatahay ayaa waxaa ka mid ah qeybo badan oo ka mid ah gobollka Shabeelaha Dhexe, Gedo iyo deegaannada ku teedsan hareeraha Wabiga ee ee gobollada kale ee dalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
4/28/2018 4:25 PM EST
Sabti,, April, 28, 2018 (HOL) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu horkacayo ayaa la filayaa in maalinta barri ah u socdaalaan dalka Burundi iyaga oo ka qeybgali doona daawashada Finalka CECAFA U-17 oo ay isaga hor iman doonaan xulka kubadda Cagta Soomaaliya iyo Tansaaniya.

4/28/2018 9:58 AM EST
Sabti,, April, 28, 2018 (HOL)–Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md;C,/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro ayaa xukuumadda ku eedeeyey inay ku fashilmeen inay wax ka qabtaan sicir bararka aafeeyey noloshii shacabka.

4/28/2018 9:03 AM EST
Sabti,, April, 28, 2018 (HOL)–Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo goor dhaw shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in kulan deg deg ah oo ay yeesheen leysku afgartay in sida ugu dhaqsiyaha badan loogu gurmado dadka ay fatahaadu ku dhufatay, gaar ahaan magaalada Beledweyne.

4/28/2018 7:54 AM EST
Sabti,, April, 28, 2018 (HOL)–Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa shir guddoominaya kulan goor dhaw ka furmay xarunta madaxtooyada Soomaaliya oo looga hadlayo xaalada Fatahaada Wabiga Shabeelle uu ka sameeyay qeybo ka mid ah gobollada dalka, gaar ahaan magaalada Beledweyne.

4/28/2018 5:18 AM EST
Sabti,, April, 28, 2018 (HOL)-Inta la xaqiijiyay Saddex ruux ayaa ku geeriyootay 6 kalana dhaawac ayaa soo gaaray kaddib markii Saakay Magaalada Gaalkacyo uu ka dhacay Qarax Ismiidaamin ah Sidda ay warbaahinta u xaqiijiyeen maamulka gobolka Mudug.

4/28/2018 2:10 AM EST
Sabti,, April, 28, 2018 (HOL)–Iyadoo dhawaan guddoomiye ku-xigeenka Golaha Shacabka Ibraahim Sheekh Muudeey xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya u qeybiyay Nuqullo ka mid ah dastuurkii uu horay u sheegay in la xaday, ayaa hadda waxaa soo baxaya shaki arintan ay ka muujinayaan qaar ka mid ah xildhibaannada Golaha Shacabka.

4/28/2018 1:33 AM EST
Sabti,, April, 28, 2018 (HOL)-Dowlada Canada ayaa shaacisay in ay Soomaaliya ugu deeqday lacag dhan 18 milyan oo Dollar waxaana ku dhawaaqay warkaasi wasiirka socdaalka jansiyadaha iyo arrimaha Qaxootiga Canada Axmed Xuseen oo matalayay wasaarada Arrimaha Dibada ee dowlada Canada,

4/28/2018 1:03 AM EST
Sabti, April, 28, 2018 (HOL)-Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare oo warbaahinta ayaa sheegay in marka la eego xadiga xaalada bani’aadannimo ee magaalada Beledweyne tahay mid ka baxsan awooda maamulka una baahan gurmad xeer caalami ah.

4/28/2018 12:49 AM EST
Sabti, April, 28, 2018 (HOL)-Wasaaradda caafimaadka ee maamulka Xamaas ee Qasa ayaa sheegtay in ciidamada Israel toogasho ku dileen saddex Falastiiniyiin ah oo ka qayb qaadanayey mudaharaad ballaaran oo lagaga soo horjeedo gidaarka Israel.

4/28/2018 12:42 AM EST
Sabti, April, 28, 2018 (HOL)-Dowladda Mareykanka ayaa ku baaqday in dowladda Soomaaliya laga taageero dhanka amniga si ay uga adkaato dagaalyahanada Al-Shabaab oo ay kula jirto dagaal xooggan.

4/28/2018 12:06 AM EST
Sabti,April, 28, 2018 (HOL)-Roobab culus oo xalay ka da’ay magaalada Beledweyne ayaa u muuqda kuwo uga sii darey xaalada Fatahaada iyo daadadka ka dhashay dhibicda biyaha roobka oo marba marka ka danbeysa sare u sii kacaya.