11/24/2020
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 27, 2018
Hogaamiyayaasha labada Kuuriya oo kulan taariikh ah yeeshay


 

Jimco, April, 27, 2018 (HOL)– Hogaamiyaha Kuuriyada Woqooyi, Kim Jong-un, ayaa sheegay in kulan madaxeedkii ugu horreeyey ee ay labda Kuuriya yeeshaan muddo toban sanadood iyo dheeraad ah, uu noqon doono bilowga taariikh cusub.

Kim ayaa haatan waxa u bilaabmay wadahadal uu la leeyhay madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed, Moon Jae-in, oo ka dhacaya aagga milatariga ka caagan ee labada dal u dhexeeyaa.

Moon ayaa isna sheegay in uu rajaynayo in heshiis wayn ay ku gaaraan wada xaajoodkaas oo la filayo in ay xoogga ku saari doonaan in jasiirad la moodka Kuuriya laga dhigo meel nukliyeerka ka caaggan iyo in si rasmi ah loo soo af jaro dagaalka Kuuriya.

Markii hore ayaa Kim Jong-un waxa uu noqday hogaamiyihii u horeeyey ee cag dhiga ciidda Kuuriyada Koonfureed, markuu ka tallaabay aagga milatariga ka caagan ee labada dal u dhexeeya oo uu si rasmi ah ula kulmay madaxweyne Moon.

Labada nin ayaa si diirran isku gacan qaaday, kaddibna waxay ka wada tallaabeen xadka labada dal u dhexeeya oo waxay u gudbeen dhanka Kuuriyada Woqooyi, taas oo ahayd tallaabo ay ugu talo galeen in ay bixiso muuqaal togan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]

 













Click here
4/27/2018 1:03 PM EST
Jimco, April, 27, 2018 (HOL) - Fatahaadan oo noqoneysa tii ugu cusleyd ee sanadihii ugu danbeeyay soo marta magaalada Beledweyne ayaa saameyn adag oo dhinaca nolasha ah ku yeelatay Kumannaan Kun oo Qoysas Soomaaliyeed ah, kuwaa oo qaarkoodna u mar kacay deegaannada baxsan magaalada halka kuwo kalana wali biyaha ku dhax go’doonsan yihiin.

4/27/2018 9:31 AM EST
Jimco, April, 27, 2018 (HOL)–Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeele Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in ku dhawaad 26 Kun oo Qoys ku barakaceen daadadkii ugu danbeeyay ee ka dhuftay magaalada Beledweyne.

4/27/2018 8:12 AM EST
Jimco, April,27,2018(HOL)– Wasaaradda arrimaha dibedda ee Dalka Itoobiya ayaa sheegtay inay ka go’an tahay inay Soomaaliya kasii howl-galaan Ciidamadeeda inta si weyn loo burburinayo Awooda Ururka Al-Shabaab.

4/27/2018 7:02 AM EST
Jimco, April, 27, 2018 (HOL)–Waxaa lagu wadaa in 7-da Bisha May ee foodda innugu so hayso la iclaamiyay shir ku aaddan Caalami ah ee ku aaddan Joojinta Ganacsiga Sharci darrada ah ee Dhuxusha.

4/27/2018 2:09 AM EST
Jimco, April, 27, 2018 (HOL)–Wararka imanaya magaalada Kismaayo ee gobalka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in weerar ku bilowday Qarax ay Al-Shabaab ku qaadeen ciidamo kolanyo ay la socdeen ciidamada Kenya iyo kuwa Jubbaland.

4/27/2018 1:04 AM EST
Jimco, April, 27, 2018 (HOL)–Waxaa sii kordhay saacadihii ugu danbeeyay biyaha ku Fatahaya magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan kaddib markii ay is biirsadeen Roobab Lixaad leh oo da’aya iyo Wabiga Shabeelle oo Karkaarada jabsaday.

4/27/2018 12:22 AM EST
Jimco, April, 27, 2018 (HOL)-Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa kulan gaar ah la yeeshay Danjiraha dalka Sweden u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Andreas von Uexkull.