4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 26, 2018
Cabdiwali Muudeey oo soo bandhigay dastuurkii uu horay u sheegay in la xaday

 

Khamiis, April, 26, 2018 (HOL) –Ku-simaha guddoomiyaha Golaha Shacabka Cabdiwali Ibraahim Muudeey ayaa maanta xildhibaannada Baarlamaanka u qeybiyay Dastuurkii uu horay u sheegay in la xaday.

Xildhibaanada ayaa loo qeybiyay nuqulkan oo ay ka muuqdeen qodobo ay isku raaceen lixdii Hoggaamiyeyaasha saxiixayaasha Road Map-kii dalka looga saarayay Kumeel gaarka.

Nuqulka Dastuurkan uu manta soo bandhigay guddoomiye Muudeey ayaa qodobada ku qoran qaarkood waxaa ka mid ah in muddada xil heynta madaxweynaha 5-sano, halka Dastuurka KMG ee xilligan lagu dhaqmayo uu yahay 4 sano.

Sidoo kale qodobka kale ayaa ka mid ah in madaxweynaha uu kala diri karo Baarlamaanka, waxaana dastuurkan nuqulka ah ee uu soo bandhigay Guddoomiye Muudey la filayaa in uu ka dhasho doodo.

Xildhibaan Cali Balcad oo soo noqday Agaasimaha Madaxtooyada dowladdii Xasan Sheekh ayaa sheegay in docementiga maanta loo qeybiyay uu yahay midkii ay saxiixeen lixda hoggaamiye ee saxiixayaasha hab raacii dalka looga gudbayay xilliga KMG, isla markaana uu ahaa heshiis siyaasadeed, kaasoo markii dmabe loo gudbiyay Ergo gaareysay 850 ergo, kuwaasoo ansixiyay dastuurka saxda ahaa ee dalka lagu soo maamulayay lixdii sano ee la soo dhaafay.

Balse waxaa uu su’aal galiyay waxa xilligan loo gelinayo shakiga Aas aaskii uu Qaranka ku taagnaa, iyadoo dalka uu wajahayo mushkilado aad u ballaaran oo ay ugu weyn tahay xiisada siyaasadeed ee ka dhex taagan Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

Arrintan ayaa noqon karta qalalaase kale dastuuri ah madaama marka leysku eego Nuqulka Dastuurka la soo bandhigay ee la sheegay in la xaday in kan hadda lagu dhaqmayo wax badan ku kala duwan yihiin, gaar ahaan marka la eego muddada uu xilka heynayo madaxweynaha Soomaaliya.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]