3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 26, 2018
Musharixiinta guddoonka Baarlamaanka oo soo gabagabeeyay khudbadahoodii

 

Khamiis, April, 26, 2018 (HOL )- Waxaa maanta oo Khamiis ah la soo gaba gabeeyay dhageysiga khudbadaha Musharixiinta u taagan qabashada xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Shalay ayaa waxaa khudbado jeediyay ilaa Lix musharax oo ka mid ah xubnaha u taagan xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka, wuxuuna ka hadlay mid walba waxaa uu qabanayo hadii uu ku guuleysto xilka.

Sidoo kale maanta ilaa Shan musharax oo ahaa kuwa harsan ayaa jeediyay khudbadahooda, waxaana ugu dambeyn la soo gaba gabeeyay khudbadaha musharaxiinta.

Xubnaha maanta Baarlamaanka khudbadaha ka horjeediyay ayaa waxa ay kala yihiin Xildhibaan Shariif Sheekhunaa Maye, Xildhibaan Maxamed Sh. C/raxmaan Mursal, Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla, Xildhibaan Maxamud Macalin Yaxye iyo Xildhibaan Iimaan C/laahi Nuur

Maalinta Isniinta ah oo Taarikhda ay ku beegan tahay 30-ka bishan ayaa lagu wadaa in ay dhacdo doorashada guddoomiyaha Golaha Shacabka, waxaana magaalada Muqdisho laga dareemayaa diyaar garoowga ku aadan doorashada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
4/26/2018 1:49 PM EST
Khamiis, April, 26, 2018 (HOL) –Ku-simaha guddoomiyaha Golaha Shacabka Cabdiwali Ibraahim Muudeey ayaa maanta xildhibaannada Baarlamaanka u qeybiyay Dastuurkii uu horay u sheegay in la xaday.

4/26/2018 7:44 AM EST
Khamiis, April, 26, 2018 (HOL)-Maxkamada gobolka Marood Jeex ee Somaliland ayaa maanta shan sanno oo xadhig ah ku xukuntay boqor Cismaan Maxamuud Buurmadow oo dacwadiisu socotay isagoo dibadda joogga.

4/26/2018 6:24 AM EST
Khamiis, April, 26, 2018 (HOL )- Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo warbaahinta caalamka kula hadlayay magaalada Dubai ayaa sheegay in Puntland u madax-bannaan tahay in ay gasho heshiisyo caalami ah sida uu dhigayo ayuu yiri dastuurka dowlad gobolleedka.

4/26/2018 3:10 AM EST
Khamiis, April, 26, 2018 (HOL)-Shirkii Amniga Soomaaliya ee ka dhacay Magaaladda Garoowe ee u dhaxeeyey Wasaaradda Amniga Gudaha Soomaaliya iyo Madaxda wasaaradaha Dowlad goboleedyada ayaa soo gabagaboobay waxaana laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban 13 qodob.

4/26/2018 2:57 AM EST
Khamiis, April, 26, 2018 (HOL )- Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Maamulka Jubbaland ayaa la horgeeyay dacwad ka dhan ah C/laahi Asad Ismaaciil oo ku eedeysan in uu magaalada Kismaayo ku dilay 14-kii bishan April Xaaskiisa oo lagu magacaabi jiray Muxubo Maxamed Guure.

4/26/2018 1:55 AM EST
Khamiis, April, 26, 2018 (HOL)-Saynisyahanno Shiinays ah ayaa sheegay in ay qayb ahaan duntay xaruntii ay Kuuriyada Waqooyi ku tijaabin jirtay hubka nukliyeerka ah, taas ka dhigi karta mid aan la adeegsan karin.

4/26/2018 1:22 AM EST
Khamiis, April, 26, 2018 (HOL)-Sida uu qorshaha yahay maanta oo Khamiis ah ayaa lagu wadaa in la soo gaba gabeeyo dhageysiga khudbadaha Musharixiinta u taagan qabashada xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

4/26/2018 1:10 AM EST
Khamiis, April, 26, 2018 (HOL )- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay sheegtay in ay cadeyneyso heshiiska saxaafadda laga sheegay ee lala galay shirkadda SKA inuusan aheyn mid waafaqsan habraaca dowliga ah ee ay dejisay wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.