4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 26, 2018
Goobtii tijaabada hubka Nukliyeerka Kooriyada Waqooyi oo duntay

 

Khamiis, April, 26, 2018 (HOL )- Saynisyahanno Shiinays ah ayaa sheegay in ay qayb ahaan duntay xaruntii ay Kuuriyada Waqooyi ku tijaabin jirtay hubka nukliyeerka ah, taas ka dhigi karta mid aan la adeegsan karin.

Xarunta tijaabada ee Punggye-ri ayaa lix jeer lagu tijaabiyay hub nukliyeer ah tan iyo sannadkii 2006-dii.

Markii u dambaysay ee tijaabada lagu sameeyay bishii Sabtembar waxaa gariirka sii waday dhulka, khuburada dhulgariirka ku takhasusayna waxay rumaysan yihiin in qayb ka mid ah buurtu ay gudaha ka duntay.

Sabtidiina hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa ku dhaqaaqay in uu hakinayo tijaabooyinkii nukliyeerka iyo gantaallada dalkiisa.

Ku dhawaaqitaankaas layaabka leh ayaa yimid wadahadalka taariikhiga ah ee uu la yeelanayo Kuuriyada Koonfureed iyo Maraykanka.

Cilmibaaristan u dambaysay ee ay samaysay jaacadda sayniska iyo tiknoolajiyadda ee Shiinaha ee magaceeda loo soo gaabiyo USTC ayaa la daabici doonaa maalmaha soo socda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]