Khudbadaha musharixiinta guddoonka Golaha Shacabka oo maanta la soo gabagabeynayo
Khamiis, April, 26, 2018 (HOL )- Sida uu qorshaha
yahay maanta oo Khamiis ah ayaa lagu wadaa in la soo gaba gabeeyo dhageysiga
khudbadaha Musharixiinta u taagan qabashada xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka.
Shalay ayaa waxaa khudbado jeediyay ilaa Lix
Musharax oo ka mid ah xubnaha u taagan xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka,
waxayna ka hadleen mid walba waxaa uu qabanayo haddii uu ku guuleysto xilka.
Sidoo kale maanta lagu wadaa in ay khudbado
jeediyaan ilaa Shan Musharax oo ah kuwa harsan, waxaana ugu dambeyn la soo gaba
gabeyn doonaa gelinka dambe ee maanta.
Xubnaha maanta Baarlamaanka khudbadaha ka
horjeedin doona ayaa waxa ay kala yihiin Xildhibaan Shariif Sheekhunaa Maye,
Xildhibaan Maxamed Sh C/raxmaan Mursal, Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla,
Xildhibaan Maxamud Macalin Yaxye iyo Xildhibaan Iimaan C/laahi Nuur
Maalinta Isniinta ah oo ku beegan
tahay 30-ka bishan ayaa lagu wadaa in ay dhacdo doorashada Guddoomiyaha Golaha
Shacabka, waxaana Magaalada Muqdisho laga dareemayaa diyaar garowga ku aadan
Doorashada.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]