4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 26, 2018
Dowladda oo ka hortimid heshiiska Shirkadda SKA

 

Khamiis, April, 26, 2018 (HOL )- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegtay in ay cadeyneyso heshiiska saxaafadda laga sheegay ee lala galay shirkadda SKA inuusan aheyn mid waafaqsan habraaca dowliga ah ee ay dejisay wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyada xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaalle Bayle ayaa waxa uu sheegay heshiisyada nuucaan oo kale ah ee lala galo shirkado gaar loo leeyahay in ay yihiin kuwo waxba kama jiraan ah.

War-saxaafadeed ka soo baxay dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in Xukuumadda ay bilowday baaritaan looga gol leeyahay in laga sal gaaro sida uu ku yimid iyo Habraaca loo maray heshiiskaas la sheegay in lala galay shirkadda SKA.

Shirka Golaha Wasiirada Soomaaliya ee ugu soo horeeya ayaa waxaa la horkeeni doonaa natijada baaritaanka heshiiska iyo talo bixinta ku aadan talaabooyinka la qaadayo.

War-saxaafadeedka dowladda ay soo saartay kuma aysan sheegin nuuca heshiiska, cida shirkadda SKA ay heshiiska la gashay, marka laga reebo in dowladdu ay sheegtay shirkado gaar ah in lala galay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]