3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 25, 2018
Hub la sheegay in laga xaday xerada Jen Gordan oo lagu kala iibsanayo Muqdisho


Arbaco, April, 25, 2018 (HOL) – Wakaalada Wararka ee Reuters ayaa laga soo xigtay warbixin ku saabsan in ay jiraan hub laga soo xaday dugsigii tababarka Imaaraadka Carabta Jen Gordan oo maalin ka hor iska horimaad ku dhaxmaray ciidamada dowladda Soomaaliya.

Ilaa 600 oo Qori oo ah nooca AK47 gaar ahaan kuwa Shiinaha lagu farameeyo la arkay iyaga oo lagu kala iibsanayo suuqyada magaalada Muqdisho sida ay wakaalada u sheegeen qaar ka mid ah ganacsatada hubka ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Wakaalada Reuters ayaa warbixinteeda ku sheegtay Qoryahan oo qaarkood ay cusub yihiin in hada lagu iibinayo Suuqyo furan oo ku yaalla Magaalada Muqdisho, aysana qabin wax cabsi ama walwal ah oo ku aadan in laga daba yimaado dadka hubkan iibinaya.

Sida ay sheegeen rag ka mid ah ganacsatada hubka waxaa gacanta u galay hub u badan qoryaha AK-47 oo dalka Shiinaha lagu soo farsmayeeyay kuwaasoo ay ku iibsadeen lacag gaareysa $700 ayna ku iibinayaan $1000 sida uu u sheegay wakaalada wararka Reuters mid kamid ah ganacsatada hubka ee magaalada Muqdisho.

 

Ganacsatada Suuqyada Magaalada Muqdisho ku iibineysa Hubka ayaa waxa ay markoodii hore qiimo jaban Hubka uga soo iibsadeen Askar ka tirsan ciidamada xoogga dalka, waxaana Qoryaha ku dul qoran (SO XDS-2017).

Sawirrada ay qaaday Wakaalada Wararka ee Reuters ayaa muujinaya Qoryo cusub oo Jawaano lagu soo dhex riday, keliya laga soo muujiyay afka hore.

Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya Jen Cabdiwali Jaamac Gorod ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamadu ka hortageen sida uu hadalka u dhigay ciidamo kale oo ka tirsan dowladda oo isku dayay in ay jabsadaan keydka hubka xerada.

Madaxweynaha Jamhuujriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa waayadii ugu danbeeyay xafiiskiisa shaqo u soo wareejiyay wasaaradda gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliy isaga oo marar kala duwanna booqday xerada Jen Gordan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
4/25/2018 2:32 PM EST
Arbaco, April, 25, 2018 (HOL)–Sheekh Xassan Daahir Aweys oo horay uga tirsanaa hogaamiyayaasha sar sare ee kooxda Al-shabaab islamarkaana laga oo bilaabo sanadkii 2013ka maxbuus u ah dowladda Soomaaliya ayaa fariin uu warbaahinta soo gaarsiiyay ku weeraray hab dhaqanka iyo dilalka Ururka Al-shabaab.

4/25/2018 10:44 AM EST
Arbaco, April, 25, 2018 (HOL )-Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya ku matalaya tartanka Cecafa ee cayaartooyda da’doodu ka yar tahay 17 sano ayaa ugu danbeyntii xaqiiqsaday in ay u soo baxeen Finalka tartanka kaddib markii ay 1-0 uga adkaadeen xulka Qaranka Uganda.

4/25/2018 9:25 AM EST
Arbaco, April, 25, 2018 (HOL )- Faadumo Maxamuud Ibraahim oo 10 sano jir ah aha ayaa lagu arkay arin mucjiso ah, iyadoo ay indheheeda, dhegeheeda iyo afkaba ay ka soo daadanayaan dhagxaan, magaalada Laascaanood Xarunta gobolka Sool.

4/25/2018 5:57 AM EST
Arbaco, April, 25, 2018 (HOL )-Wararka ka imaanayo degaan ku dhaw degmada Tiyeeglow ee Gobolka Bakool ayaa sheegaya in dagaal culus uu halkaasi ka bilowday.

4/25/2018 5:43 AM EST
Arbaco, April, 25, 2018 (HOL)–Kanaallada ugu waaweyn dalkaasi Kenya ayaa xiligan qarka u saaran in ay karkaaraada jabsadaan, kaddib Roobab Lixaad leh oo da’aya sida laga soo xigtay Laanqeerta Cas Kenya.

4/25/2018 4:40 AM EST
Arbaco, April, 25, 2018 (HOL)– Maamul gobolleedka Puntland ayaa marti-gelinaya shir ku saabsan Xasilinta Amniga Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya oo lagu imartiqaaday mas’uuliyiinta wasaaradaha Amniga Xukuumadda Federaalka iyo maamul goboleedyada ka dhisan dalka.

4/25/2018 3:40 AM EST
Arbaco, April, 25, 2018 (HOL)–Dowladda Koofur Africa ayaa ku wareejisay dowladda Soomaaliyeed deeq lacageed oo gaareysa 500,000$, kadib munaasabad kooban oo ka dhacday Magaalada Muqdisho.

4/25/2018 3:21 AM EST
Arbaco, April, 25, 2018 (HOL)–Boqolaal Soomaali ah ayaa ka soo qeybgashay aas si wada jir ah loogu sameeyay labo dhalinyaraa oo maalinimadii sabtida lagu dilay mid kamid ah xaafadaa magaalada Columbus.

4/25/2018 3:07 AM EST
Arbaco, April, 25, 2018 (HOL)– Waxaa magaalada Columbus ee Ohio Sabtidii aynu soo dhaafnay lagu dilay Cabdillaahi Saciid Shariif iyo Cabdi Khaaliq Saciid Maxamed oo ka tirsan Soomaalida ku nool Maraykanka.

4/25/2018 12:42 AM EST
Arbaco, April, 25, 2018 (HOL)–Sida ku qoran jadwalka doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya waxaa maanta lagu wadaa in fadhigga Golaha Shacabka Khudbado looga dhageysto murashaxiinta u tartamaya Guddoomka Golaha Shacabka.

4/25/2018 12:06 AM EST
Arbaco, April, 25, 2018 (HOL) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdullaahi Axmed Maalin ayaa warbaahinta u sheegay in tirada dadka ka barakacay fatahaada magaalada qiyaastii gaarayaan 9000 oo ruux kuwaa oo maciinbiday deegaannada dulleedka Bari gaar ahaan Ceel Jaalle.