Arbaco, April, 25, 2018 (HOL) –
Sheekh Xassan Daahir Aweys oo horay uga tirsanaa hogaamiyayaasha sar sare ee
kooxda Al-shabaab islamarkaana laga oo
bilaabo sanadkii 2013ka maxbuus u ah dowladda Soomaaliya ayaa fariin uu
warbaahinta soo gaarsiiyay ku weeraray hab dhaqanka iyo dilalka Ururka
Al-shabaab.
Fariintan oo soctay ku dhawaad
53 daqiiqo ayuu ku sheegay in wax laga xumaado tahay dilalka Ururka Al-shabaab
ay kula kacaan Odayaasha dhaqanka, ganacsatada iyo culimada Soomaaliyeed, isaga
oo intaa ku darray in tallaabadasi ka dhigan tahay in aan waxba leys dhaamin
dhicyada oo dhan.
‘’Wax loo dul qaadan karo ma’aha
dilalka dadka aan waxba galabsan, war halkee loo socdaa, meel fayoow ma’laha, Mushtabac
ma fiyoowba, Cuqaal ma fiyoowba, Cilmi ma fiyoow, Idheer-garad ma fiyoowba,
waxaas oo dhan waa idinka dartiin, xitaa cibaadadii iyo fidintii dacwada ayaa
qalqal ku jirta oo dadku waa wada cabsanayaa, meel leysku aamini karo malaha’’
ayuu yiri Xassan Daahir Aweys.
Wuxuu sheegay in hab dhanka
dilalka aysan aheyn wax sii socon kara, loona baahan yahay in laga waantoobo,
waxaana uu Al-shabaab ku tilmaamay dad aan laheyn jiho ay u socdaan.
Dhinaca kale mar uu soo hadal
qaaday qadiyada ku saabsan Sheekh Mukhtaar Rooboow Cali Abuu-Mansuur oo ka soo
goostay Al-shabaab, ayuu sheegay in Abuu-Masuur uu ahaa qofkii ugu muhiimsanaa
ee Ururka ka mid noqda, una suurtagaliyay ayuu yiri in ay qabsadaan Al-shabaab gobolladii ugu
muhiimsanaa dalka.
‘’Bal fiiriya wixii uu Cali
Dheere meelaha Caac la lahaa Abuu Masuur ayaa ridoobay ayuu leeyahay, war
qofkii iyaga ka horyimaada ma Diinta ayuu ka baxay, xitaa qofkii khilaafada
Islaamiga ka horyimaada ma diinta ayuu ka baxay, Abuu-Masuur waa shaqsigii
suurtagaliyay in Al-shabaab la wareegaan gobollada Baay, Bakool iyo Hiiraan oo
la ogyahay wixii Al-shabaab ka qabsaday’’ ayuuu yiri Xassan Daahir Aweys.
Xassan Daahir ayuu sheegay in
qofka aan lagu dhaliili karin in uu la macaamilay dad aan muslim aheyn isaga oo
yiri’’ Bal fiiriya waxaa ay leeyihiin Abuu-Masuur Gaalo ayuu la xiriiray, waxaa
haddii Gaal lala macaamilo ma badilbaa bal eega Caqiida xumada dadka lagu
maamulayo’’ ayuu yiri is weydiiyay Xassan Daahir Aweys.
Fariinta Xassan Daahir Aweys
ayaa u muuqatay mid uu uga horyimid hab dhanka Ururka Al-shabaab ee uu mudadda
dheer ka soo tirsanaa, laakiin wali ma uusan cadeyn mowqifkiisa ku aadan ka mid
ahaanshaha Ururka si la mid ah Abuu-Masuur oo sheegay in uu isaga baxay Shan
sanno ka hor.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]