4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 25, 2018
Dagaal culus oo ka soconaya gobolka Bakool

 

Arbaco, April, 25, 2018 (HOL )-Wararka ka imaanayo degaan ku dhaw degmada Tiyeeglow ee Gobolka Bakool ayaa sheegaya in dagaal culus uu halkaasi ka bilowday.

Dagaalkan ayaa sida la sheegay waxaa uu u dhaxeeyaa ciidamada ka tirsan millitariga Soomaaliya iyo kuwa Koonfur Galbeed oo isku dhinac ah iyo Ururka Al-shabab.

Warkan ayaa waxaa warbaahinta u xaqjiiyay taliyaha ciidmada Booliiska gobolka Bakool iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidamada dowladda.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii xoogaga Al-shabab ay wadada u galeen Kolonyo gaadiida ah oo ciidamada dowladu ay galbinayay islamarkaana Sahay Shidaal, siday kuwaasi oo u sii jeeday degaano ka tirsan gobolka Bakool.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in ay maqlayaan hubka culus ee la isku adeegsanayo dagaalka.

Si kastaba ilaa hada ma cada khasaaraha labada dhinac walow la sheegayo in uu jirto wax-yeelo soo kala gaartay garabyada dagaalku uu u dhaxeeyo.

Al-shabaab ayaa go’doomin ku haya deegaanno badan ka tirsan gobolka Bakool iyaga oo dhinaca kalana carqalad ku noqda isku socodka ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada.

Waxii ku soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa.

Ilyaas Axmed Cilmi Guute
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya.