Arbaco, April, 25, 2018 (HOL)–
Kanaallada ugu waaweyn dalkaasi Kenya
ayaa xiligan qarka u saaran in ay karkaaraada jabsadaan, kaddib Roobab Lixaad
leh oo da’aya sida laga soo xigtay Laanqeerta Cas Kenya.
Abbas Gullet, oo ah madaxa Laan-Qayrta Cas ee
Kenya, ayaa sheegay in ay uga digayaan dadka ku dhaqan gobollada Bariga iyo Bartamaha Kenya in ay u
guuraan dhulka sare si ay uga nabad-galaan khaatar ka dhalan karta
fatahaada.
Waxaa uu sheegay in
200,000 ay horeyba uga barakaceen daadadkan, waxaana ay qaarkood hadda
hoy ka sameysteen dugisyada waxbarashada, halka kuwa kalana ay deegaansanayaan
dhul cidlo ah oo ay is leeyihiin waad uga nabad-gali kartaa fatahaada.
Waxaa lagu shaaciyay baraha
bulshada sawiro muujinaya saameynta ay dadka ku yeesheen fatahaadan gaar ahaan xubin ka tirsan Laanqayrta Cas oo caawinaya nin waayeel ah oo jooga
koonfurta Bari ee Tana River,
halkaa oo 50,000 oo qoys ay ka barakaceen guryahooda.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]