4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 25, 2018
Muwaadiniin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Mareykanka

Arbaco, April, 25, 2018 (HOL)– Waxaa magaalada Columbus ee Ohio Sabtidii aynu soo dhaafnay lagu dilay Cabdillaahi Saciid Shariif iyo Cabdi Khaaliq Saciid Maxamed oo ka tirsan Soomaalida ku nool Maraykanka.

Muwaadiniintaan ayaa lagu dhax dilay Gaari ay wateen iyaga oo ku sugan Magaalada Columbus ee dalka Maraykanka lagumana guuleysan in la soo qabto dadkii dilkaas ka dambeeyay.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool USA ayaa walaac ka muujiyay arintaan waxayna isugu baaqayn in taxadir xoog leh la muujiyo maadaama ay soo kordhayn weerarro ka dhan ah Soomaalida.

Madaxda Jaaliyadda Soomaalida ayaa ku baaqay in arintaan la daba galo waalidiintana ay il gaar ah ku eegaan carruurtooda, si gaar ah Soomaalida Maraykanka.

Mareykanka ayaa waxaa ku badan dilalka loo geysto dhalinyarada Soomaaliyeed oo qaarkood la sheegayo in ay iyaga dhaxdooda is bartilmaameedsadaan sida ay sheegeen qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Jaaliyada Soomaaliyeed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]