3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 24, 2018
Dowladda Soomaaliya oo soo bandhigtay sarkaal ka tirsanaa Kooxda Daacish

 

Talaado, April, 24, 2018 (HOL) - Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo bandhigay Jaamac Xusseen Xasan oo ay sheegeen in uu ka tirsanay kooxda Daacish.

Jaamac ayaa ka dagaalamay wadamada Suuriya iyo Iraaq asigoo ka tirsan kooxda Daacish, laakiin markii dambe u soo wareegay Daacish-ta Soomaaliya ka dagaalanta gaar ahaan deegaannada Puntland.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay in uu horay ugu tirsanaa kooxda Al-shabaab, laakiin markii ay labo u kala qeybsameen uu ku soo biiray garabka kooxda Daacish.

Ciidamada Booliiska ayaa sheegay in ninkaan gacanta lagu soo dhigay asigoo ku aasayay miino deegaan ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Warbaahinta ayuu sheegay Jaamac in uu qeyb ka ahaa fulinta dilal ka dhacay degmooyinka Boosaaso iyo Afgooye.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
4/24/2018 5:15 PM EST
Talaado, April, 24, 2018 (HOL) - Liverpool ayaa xaqiijisay in ay tahay koox awood badan kaddib markii ay 5-2 ku xasuuqday Xidigaha kooxda Roma kaddib cayaar leysku arkay Garoonka Anfiel ee dalka Egland oo qeyb ka aheyd Afar dhamaadka Champions league

4/24/2018 12:29 PM EST
Talaado, April, 24, 2018 (HOL)-Dowladda Kenya ayaa diiday islamarkana is hortaag ku sameysay munaasabad maanta ka dhaci laheyd Nairobi oo lagu waday in uu khudbad ka jeedo Siyaasiga Cabdiraxmaan CabdiShakuur Warsame.

4/24/2018 11:31 AM EST
Talaado, April,24,2018 (HOL)–Gaadiidleyda Somaliland ayaa muddooyinkii u dambeeyey ka cabanaya shiidaal xun oo gaadiidkii waxyeelo u soo gaystay.

4/24/2018 8:21 AM EST
Talaado, April, 24, 2018 (HOL) – Mid ka mid ah ganacsatada gobolka Hiiraan ayaa ku gacan seyray xilka guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo maamulka gobolka Hiiraan oo lagu shaaciyay wareegto ka soo baxday wasiirka arrimaha gudaha maamul gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle.

4/24/2018 7:24 AM EST
Talaado, April, 24, 2018 (HOL)–Wasiirka Wasaaradda Gaashaadhiga Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa xilka iska casilay kaddib markii uu isku soo tagay qabasha xilka guddoomiyaha Golaha Shacabka.

4/24/2018 7:03 AM EST
Talaado, April, 24, 2018 (HOL) - Wasiirka Arrimaha dibedda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawed iyo Safiirka Turkiga u jooga Soomaaliya Mr Olgan Bekar, ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta Wasaarada Arrimaha Dibada ee Magaalada Muqdisho waxaana si gaar ah ay uga wada hadlay habka loo xoojin karo wada shaqaynta Labada dal.

4/24/2018 4:22 AM EST
Talaado, April, 24, 2018 (HOL)-Afaafka hore iyo dhamaan agagaarka Xerada General Gordan ee shalay ciidamo ka wada tirsan dowlada Soomaaliya ay ku dagaalameen ayaa maanta lagu arkayay ciidamo milatari aad u tababaran oo wato gaadiidka Gaashaaman.

4/24/2018 4:17 AM EST
Talaado, April, 24, 2018 (HOL)-Booliiska dalka Maraykanka ayaa qabtay nin looga shakisan yahay in uu afar ruux ku dilay gobolka Tennessee.

4/24/2018 2:18 AM EST
Talaado, April, 24, 2018 (HOL)-Ilaa galinka danbe ee maanta ayaa lagu wadaa in la soo gaba gabeeyo is diiwaangelinta Musharaxiinta u tartameysa xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

4/24/2018 2:09 AM EST
Talaado, April, 24, 2018 (HOL)- Ilaa 10 ayaa la xaqiijinayaa in ay ku geeriyoodeen kadib markii la jiirsiiyay gaari iyagoo lugeynayay waddo ku taal magaalada Toronto ee dalka Canada.

4/24/2018 2:03 AM EST
Talaado, April, 24, 2018 (HOL)–Dagaal culus ayaa lagu waramayaa in xalay deegaanka Ceelasha Biyaha ee dulleedka Muqdisho uu ku dhaxmaray ciidamada howlgalka midowga Africa AMISOM iyo Al-shabaab.