Talaado, April, 24, 2018 (HOL) – Mid ka mid ah ganacsatada
gobolka Hiiraan ayaa ku gacan seyray xilka guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo
maamulka gobolka Hiiraan oo lagu shaaciyay wareegto ka soo baxday wasiirka
arrimaha gudaha maamul gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle.
Ma’uulkan oo lagu magacaabo Jaamac
Faarax Kaba-weyne oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xilkan loo magacaabay
aan waxba kala socon xilka loo dhiibay, waxaa uuna tilmaamay in magacaabistiisa
ka maqlay Idaacadaha sidoo kale Warbaahinta ka dhageestay.
” Xilkan la ii magacaabay
Idaacadaha ayaan ka maqlay wax wadatashi ah la igalama sameyn, waxaan ahay
ganacsade dukaan ku leh magaalada Baladweyne wax xil ahna ma weediisan kamana
rabo maamulka Hirshabelle ” ayuu yiri Jaamac Kabaweyne.
Kabaweyne ayaa ugu baaqay maamulka
Hirshabelle in ay ka digtoonaadaan xilalka ay u magaacabayaan dadka aan rabin,
waxa uuna kula taliyay maamulka Hirshabelle in wadatashi ka sameeyaan xilalka
ay magaacabayaan.
Maamulka Hirshabelle ayaa
horey xilal aysan wadatashi ka sameyn waxaa ay u magacaabeen shaqsiyaad kala
duwan, waxaa horay ugu gacan seyray xilka guddoomiye ku-xigeenka mid ka mid ah degmooyinka gobolka Shabeellaha dhexe wiil da'diisa lagu sheegay 15 sano jir, hasse ahaatee magacaabistaa waxaa beeniyay wasiirka arrimaha gudaha.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]