Talaado, April, 24,
2018 (HOL) - Afaafka hore iyo dhamaan agagaarka Xerada
General Gordan ee shalay ciidamo ka wada tirsan dowlada Soomaaliya ay ku
dagaalameen ayaa maanta lagu arkayay ciidamo milatari aad u tababaran oo wato
gaadiidka Gaashaaman.
Mar aan
saakay soo hormaray halkaasi ayaa indhaheygu qabanayeen tiro ciidan ah oo
halkaasi amniga sugayo islamarkaana diidayay xitaa in ay gaagiidka dadweynaha
halkaasi istaagaan.
Saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga
dalka Soomaaliyeed ayaa Warbaahinta u sheegay in ciidamada Milatariga ee sida
gaarka ah u tababaran lagu wareejiyay xerada ciidamada Jeneral Gordan ee
Imaaraadka ay ku tababari jireen ciidamada Soomaalida.
Wararka qaar ayaa sheegayo in Xalay fiidkii lagu wareejiyay ciidamada xooga
dalka Soomaaliya ee loo yaqaano Danab Xerada Gordan ee degmada Hodan, waxaana
halkaasi lagu arkaayay gaadiidka gaashaaman ee ciidankaan ay wataan.
Ciidamadii Imaaraadka ay tababareen ee xeradan ku sugnaa, ayaa sida la sheegay
noqday kuwa la xiray iyo kuwa baxsaday, kaddib dagaalkii shalay ka dhacay
xeradaasi.
Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya Cabdiwali Jaamac Gorod, ayaa sheegay
in la soo xiray tiro askar ah oo isku dayday inay saanad militari kala baxaan
xeradaasi.
Si kastaba ahaataba madaxda ugu sareysa dalka ayaa si wayn uga carootay falkii
shalay ka dhacay Xerada ciidamada Jeneraal Gordan oo maalmo ka hor Saraakiisha
dowlada imaaraadka carabta ay ku wareejiyeen Taliska ciidamada xoogga dalka
Soomaaliyeed.
Ilyaas Axmed Cilmi Guute
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya.