4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 24, 2018
Dagaal Al-shabaab iyo AMISOM xalay ku dhaxmaray dulleedka Muqdisho

 

Talaado, April, 24, 2018 (HOL) – Dagaal culus ayaa lagu waramayaa in xalay deegaanka Ceelasha Biyaha ee dulleedka Muqdisho uu ku dhaxmaray ciidamada howlgalka midowga Africa AMISOM iyo Al-shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kaddib markii xoogag  ka tirsan ururka Al-shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ay ku leeyihiin degaankaasi.

Dagaal socday mudo ka badan afartan aqiiqo ayaa xalay wuxuu halkaasi ku dhexmaray ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo ururka Al-shabaab.

Dadka degaanka oo ayaa sheegay in dagaalku ahaa mid culus oo leysku adeegsaday hub kala duwan hasse ahaatee ma aysan sheegin inta ay ka warqabaan khasaare uu sababay dagaalka.

Maamulka deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa dhinacooda ka gaabsaday in ay faah faahin ka bixiyaan weerarkan, balse waxay tilmaameen in uu jiro dagaalka.

Al-shabaab ayaa inta badan weerarro toos ah kuwa gaadmo ku beegsaday fariisimaha ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ku leeyihiin deegaannada ka baxsan caasimada Muqdisho.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]