4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 23, 2018
Taliyaha ciidamada xoogga dalka oo sheegay in la qabtay Askar doonayay in ay agab kala baxaan xerada Jen Gordan

 

Isniin, April, 23, 2018 (HOL) - Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeeda Janaraal Cabdiweli Jaamac Gorod ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay Askar ka tirsan ciidamada dowladda oo doonayay in ay kala baxaan keydka xerada Jen Gordan Agab ciidan.

Taliye Gorod ayaa qiray in ay jirtay is rasaaseyn ay ka dhacday xerada kaddib markii ay halkaas soo gaareen cutubyo ka tirsan ciidamada xoogga dalka oo la faray in ay gacanta ku soo dhigaan askartan ku kacay falkaas aan lagu aqoon ciidamada Soomaaliyeed.

“Ciidamada xoogga dalka waxaa ay hadda gacanta ku hayaan askartii iyo Saraakiishii ka danbeeyey dhacdadan, inkastoo ay tira ahaan aad u yaryihiin haddana waa mid aan marnaba la qaadan karin, waxaanna ballan qaadeeynaa in aan hor keeni doonno sharciga.”

Taliyaha ayaa intaa ku daray in ciidamada Soomaaliyeed markasta ay aaminsanyihiin qadiyadda ay u dagaalamayaan in ay tahay difaaca karaamadooda iyo qarannimadda waddankooda, gacan bir ahna ay ku qaban doonaan askari kasta oo ka leexda waajibaadkiisa Qaran.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]