4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 23, 2018
Golaha aqalka sare ee baarlamanka dalka oo la horgeeyay hindise sharciyeedka la dagaalanka Musuq-maasuqa

Isniin, April, 23, 2018 (HOL)–Xildhibanada Golaha Aqalka sare oo maanta kalafadhigii 3-aad kullankiisa 7-aad yeeshay ayaa waxay Hindise sharciyeedka la dagaallanka Masuq-maasuqa ka dhageysteen Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Abuukaate Xasan Xuseen.

Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka soomaaliya ayaa Kullanka manta waxaa shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi.

Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji oo Hindise sharciyeedka la dagaallanka Masuq-maasuqa ka hor akhriyay Xildhibaanada Golaha Aqalka sare ayaa sheegay in xeerkaan uu soo bilowday sanadkii 2014-kii,isagoona cadeeyay in muhiim u yahay sharcigan sidii loo meel marin lahaa islamarkaana loola dagaalami lahaa masuq maasuq dalka ragaadiyay.

Wasiirka ayaa intaasi ku daray in arrintani ay adkeyneyso tallaabooyinka ay dowlagu ku dooneyso in ay ku joojiso Masuq-maasuqa inta badan ka dhaca gudaha dalkeena.

Xildhibaanada Golaha Aqalka sare ayaa loo qeybiyay nuqul ka mid ah sharciga la dagaalanka Masuq-maasuq si ay u soo mariyaan akhrinta koowaad ka dibna ay u ansixiyaan.

Xeerkaan ayaa horay u waxaa uu usoo maray Xildhibaanada Golaha Shacabka kuwaasi  oo soo saxiixay waxaana uu hadda horyaalaa Golaha Aqalka sare si ay iyaguna waajibaadkooda dastuuriga ah u marsiiyaan.

Sharciga la dagaallanka Masuq-maasuqa ayaa haddii uu hirgelo wuxuu suurta gelinayaa  dhismaha Guddiga Madax-bannaan ee la dagaallanka Masuq-maasuqa sida waafaqsan dastuurka Dalka.

si kastoo ay ahaataba sharcigani ayaa muhiimad gaar ah u leh la xisaabtanka iyo habsami u socodka howlaha Qaranka, iyadoo la ilaalinayo danta guud ee Umada Soomaaliyeed iyo Hantida shacabka oo laga dhowro boob iyo ku takrifalka sharci-darada ah.


Ilyaas Axmed Cilmi Guute
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya.