4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 23, 2018
Dagaal ciidamada dowladda ku dhaxmaray agagaarka xerada Jen Gordan

 

Isniin, April, 23, 2018 (HOL) – Dagaal culus ayaa goor dhaw oo maanta ah ku dhaxmaray ciidamo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya agagaarka dugsiga tababarka Jen Gordan ee degmada Hodan oo dhawaan ay isaga baxeen saraakiishii Imaaraadka ee halkaa tababarada ciidamada ka waday.

Goob joogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalkan uu socday ku dhawaan saacad oo dhanacyadu isku adeegsadeen hub culus.

Ma cadda ilaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay dagaalka, waxaana uu imanaya xili wali Imaaaraadku ku guda jiraan daabulida agabkii xerada ka yiilay.

Wixii ka soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa..

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]