4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 23, 2018
Wasiiru dowlihii wasaaradda ganacsiga oo iska casilay xilka isagoo shaaciyay in uu musharax yahay
Isniin, April, 23, 2018 (HOL)–Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen Wasiiru dowlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaliya ayaa maanta ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkaasi.

Cabdicasiis Lafta Gareen oo maanta Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in iscasilaadiisa ay sabab u tahay kadib markii uu go'aansaday in uu u istaago qabashada xilka Gudoomiyaha Golaha Shacabka.

Waxuu carabka ku adkeeyay inuu yahay Musharax u taagan qabashada xilka Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya, sidaasi awgeedna booska Wasiiru dowlaha uu isaga casilay.

Guddiga Qaban qaabada Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa horay u sheegay xubnaha Wasiirada  ee isku sharaxaya xilka Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya in laga doonaayo inay xilalka iska casilaan.

Ugu dambeyn 30-ka bishaan ayaa Guddiga Qaban qaabada ay iclaamiyeen in ay dhici doonto doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Ilyaas Axmed Cilmi Guute
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya.