4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 23, 2018
Maxamed Saalax oo ku Guuleystay Abaal marinta xidiga sanadka ugu fiican ee Premier League

Isniin, April, 23, 2018 (HOL)–
Xiriirka kubadda cagta dalka England ayaa waxay si rasmi ah ugu shaaciyeen xafladdii ka dhacday magaalada London ee dalka England in Maxamed Saalax uu yahay xiddiga ugu fiican horyaalka Premier League sanad ciyaareedka 2017/2018.

Maxamed Saalax ayaa loo caleemo saaray abaal marinta xiddiga sanadka ugu fiican ee horyaalka Premier League, kadib markii uu ugu dambeyn ku garaacay dhigiisa Manchester City ee Kevin De Bruyne oo si xooggan ay ugu soo tartameen.

Saalax ayaa xilli ciyaareedkan kooxdiisa Liverpool ka sameeyay qaab ciyaareed cajiib ah, kadib markii uu kaga soo biiray kooxda Roma bishii June ee lasoo dhaafay suuqii kala iibsiga ee sanaddii 2017, wuxuuna Reds tan iyo imaatinkiisa u dhaliyay 31 gool ee ah Premier League kadib 34 kulan uu ka ciyaaray, halka 41 gool uu ka dhaliyay dhammaan tartamada oo idil xilli ciyaareedkan.

Xiddigaha uu Saalax abaal marintan ku garaacay ayaa kala ahaa Kevin De Bruyne, Harry Kane, David De Gea, Leroy Sane iyo David Silva.

Xiddiga xulka qaranka Masar ayaa galay taariikhda horyaalka Premier League, kadib markii uu noqday xidiga kaliya reer Masar ee ku guuleystay abaal marinta ugu qaalisan dalka England, halka sidoo kale uu yahay xiddiga labaad ee kasoo jeeda dalalka carbeed ee abaal marintan ku guuleysta, ka dib Riyad Mahrez  oo kusoo guuleestay xilli ciyaareedkii 2015/2016.

Dhinaca kale, xiddiga kooxda Manchester City Leroy Sané ayaa loo magacaabay da’yarka ugu fiican horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan, isagoo abaal marintan ku garaacay xidigaha Tottenham Hotspur, Harry Keane, kan kooxda Fulham Ryan Sessegnon iyo Raheem Sterling.



Abdi Salan Nor Dirie ,Hiiraan Online
[email protected]