Axad, April, 22, 2018 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda
Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Kheyre, ayaa maanta daah-furay Barnaamijka
Tirakoobka Shaqaalaha Rayidka ah ee dawladda, kaas oo looga dan leeyahay in la
helo xog dhamaystiran oo ku saabsan shaqaalaha. Waxaan ka soo qayb galay xubno
ka socday gollaha Wasiiradda iyo qaar ka mid ah Agaasimayaasha iyo shaqaalaha
dawliga ah.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa
sheegay in shaqaalaha Rayidka ah ay aasaas u yihiin nidaamka dawliga ah ee
dalka, lagamana maarmaan ay tahay in la helo tirada saxda ah ee Shaqaalaha, si
loo gaaro hadafyadda dawladdu uu hogaaminayo Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi
Farmaajo, xukuumaduna ay fulinayso.
“ In la tirakoobo shaqaalaha waxaa ay
inoo suurta galin in la helo tirada iyo tayada aan haysano inta ay la egtahay,
in aan u diyaar garowno sidii loo dhisi lahaa tayada loo baahan yahay, in aan u
diyaarino shaqaalaha rayidka ah sidii ay ula falgali lahaayeen aduunyadda iyo
in aan nahay dawladd ka dhabaysay isla xisaabtanka”
“Mushaarka ay bixiso dawladdu waxaa
laga soo qaadaa shacabka Soomaaliyeed oo ugu tala galay in ay ku caawiyaan
dawladoodda. Marka waa in loogu qabataa adeegyada ay rabaan qof walbana uu mas’uuliyad
iska saaraa shaqadiisa, si aannan ugu tuman xaquuqada shacabka Soomaaliyeed”.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan
Cali Khayre ayaa tilmaamay in howshan tirakoob ay ka mid tahay shaqada laga
wado dalka, taas oo Madaxwaynaha Jamhuuridda Federaalka Soomaaliya uu haatan u
jooga Wasaaradda Gaashaandhiga, sidii si loo heli lahaa tirada saxda ah ee
ciidanka xooga dalka, ka dibna loo siin lahaa tobobarada ay u baahan yihiin.
Hanti dhowraha Guud ee Qaranka
iyo Guddoomiyaha guddiga shaqaalaha rayidka dowladda ayaa sharaxay ahmiyadda
ay shaqaalaha u leedahay tira koobkaan lagu samaynayo.
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha
Bulshada Saalax Axmed Jaamac, ayaa cadeeyay in la tayeyn doono shaqaalaha
rayidka ah, isaga oo sheegay in dib loo howl geli doono mac’hadkii SIDAM inta
laga gaarayaana shaqaalaha dawladdu ay tababaro ku qaadan doonaan Jaamacadda
umadda Soomaaliyeed, si looga maarmo tababaradii dibadda loogu qaadi jiray
shaqaalaha.
Barnaamijkaaan lagu tira koobayo
shaqaalaha dowladda ayaa ah mid xukuumadda Soomaaliya ay ku doonayso
tayeynta shaqaalaha oo laf dhabar u ah adeegyadda ay dowladdu u hayso
shacabka Soomaaliyeed.
Abdisalan Nor Dirie
[email protected]