4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 22, 2018
Wasiir Xoosh oo ka hor yimid hadal ka soo yeeray guddiga doorashada guddoomiyaha Golaha Shacabka

 

Axad, April, 22, 2018 (HOL) – Kaddib markii xubnaha guddiga qabanqaabadda doorashadda gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ay sheegeen in xubnaha ka tirsan golaha wasiiradda ee xilkaasi isku soo sharaxay iska casilaan marka hor xilka ay ka hayaan xukuumadda ayaa arintaasi waxaa su’aallo ka keenay Wasiirka Dastuurka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibril.

Wasiir Xoosh ayaa sheegay in uu tartamikaro qofkaste oo xildhibaan ah xataa haddii uu yahay Wasiir ka tirsan golaha xukuumadda

Wasiir Xoosh ayaa xusay in marka qofka Wasiirka uu ku guuleysto xilka guddoomiyaha uu markaas weynayo xilkiisa Wasiir-nimo.

“Qof Wasiir ah ahna Xildhibaan waa in uu iska casilaa Wasiirnimada inta uusan u tartamin Guddoomiye-nimada Golaha Shacabka ? Maya, Qodobka 59aad xarafka (c) wuxuu farayaa in shakshi xildhibaan ah uu jago dowladeed oo ka baxsan Wasiirnimo uusan qaban karin, markii uu qabtana uu jagadaas tanaasul ka yahay” ayuu yiri Xoosh.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi kusii daray” Haddaba qof wasiir ah wuu tartamin karaa, isagoon is casilin, laakin maalinta Guddoomiye Golaha Shacabka uu noqdo, wasiirnimadii waa gubattaa”

Wasiirka wasaaradda Difaaca Xukuumadda Soomaaliya iyo Wasiirka Tamarta ayaa labaduba shaaciyay in ay u taagan yihiin qabashada xilka guddoomiyaha Golaha Shacabka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]