3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 22, 2018
Bandhigga Usbuuca Injineerka oo ka furmay magaalada Muqdisho


Axad, April, 22, 2018 (HOL) – Wuxuu ahaa muuqaal qurux badna oo dhalinyaro Soomaaliyeed ay ku soo bandhigeen aqoontooda la xiriirta Tkinolojiyada kaddib Bandhigga (Usbuuca Injineerka) oo ka furmay magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta Kambaska Dr. Shahiid ee Jaamacadda Benadir oo ku yaalla deegaanka Garasbaaley ee duleedka magaalada Muqdisho.

Waxaa bandhigan soo agaasimay Kuliyadda handasada iyo Tiknolojiyada oo ka mid ah 12-ka kuliyadood ee ay ka kooban tahay Jaamacadda Banaadir, iyadoo barnaamijkan oo ahaa mid aad xiiso badan ay ka qeyb qaateen qaar ka mid ah ardayda kuliyaddan oo soo bandhigay agabyo kala duwan oo hal abuurkooda ay ku sameeyeen, iyagoo kaashanaya aqoontii ay barteen.

Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Jaamacadda Benadir, aqoonyahanno, qaar ka mid ah ardayda wax ka barata dugsiyada sare ee gobolka Banaadir iyo marti sharaf kale ayaa ka qeyb galay munaasabadii furitaanka Usbuuca Injineerka.

Hormuudka kuliyadda Handasada iyo Tiknolojiyada ee Jaamacadda Benadir Ing. C/risaaq Cali Caseyr ayaa sheegay in muhimada iyo ujeedada ay ka leeyihiin barnaamijkan ay tahay sidii ardayda ay u soo bandhigi lahayeen hal abuurkooda aqooneed, isla markaana bulshada loo dareensiin lahaa waxa ay tahay Maadada Ingineerinka oo uu xusay in dadka badankood aysan aad u fahamsaneyn aqoonta ay ka turjumeyso iyo baahida loo qabo.

“Barnaamijkan Usbuuca Injineerka waxaa uu ka dhashay aragtida guud ee masuuliyiinta Jaamacada Banaadir, waxaana sanadkii hore la qorsheeyey in Jaamacaddu ay dib u habeyn isku sameyso, lana bilaabo in ardayda la siiyo fursado ay ku soo bandhigaan hal abuurkooda, haddaba qeybta injineerinka iyadoo ka duuleysa aragtidaas ayey soo qaban-qaabisay bandhigan oo aan rajaynayo inuu sanadle noqdo” ayuu yiri Ing. Caseyr oo u mahad celiyey Maamulka Jaamacadda Benadir iyo dhamaan intii gacanta ka geysatay qaban-qaabada barnaamijkan oo uu xusay in todobaadka uu socdo maalin walba lagu casuumi doono ardayda wax ka barata dugsiyada sare ee dalka si ay fikrad guud uga qaataan Ingineerinka.

Guddoomiyaha Jaamacada Benadir Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo gebagebadii Munaasabadaas ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay ka qeybgalka Usbuuca Injineerka ee ay soo agaasintay Kuliyadda handasada iyo Tiknolojiyada ee Jaamacada Benadir, isagoo dhinaca kale ka waramay Muhimada injineerinka iyo faaiidooyinka laga dhaxlo barashadiisa.

“Handasada ama Injineerinka waa aabaha cilmiga kale oo dhan, dagaaladii sokeeye ka dibna kuliyaddan waa tii ugu horeysay nooceeda ah ee dalka laga furo, waxaa ka qelin jebinaya sanadkan dufcadii 9aad, shan dufcadood oo kalena waxbarashada ayaa u socota, injineeradii horey nooga qelin jebiyey wadanka oo dhan ayey ka shaqeeyaan dhismayaal waaweyn ayey qaarkood hirgeliyeen, qaar kalena Jaamacaddo ku yaalla adduunka ayey waxbarasho kale u doonteen” ayuu yiri gudoomiye Dalmar oo bogaadiyey ardayda barnaamijkan ku soo bandhigay hal abuurkooda aqooneed, isagoo kula dardaarmay iney sii xoojiyaan dedaalkooda.

Waxaa sidoo kale, munaasabadan hadalo isugu jiray soo dhoweyn iyo dhiirigelin ka jeediyey xubno kala duwan oo ay ka mid ahaayeen hormuudka kuliyadda Geo-Science ee Jaamacadda Benadir Ing. C/qaadir Abiikar, Guddoomiyaha Midowga ardayda kuliyadda handasada iyo Tiknolojiyada Ing. Cali C/qaadir Cali, Guddoomiyaha Midowga ardayda Jaamacada Benadir Ing. C/salaan Yuusuf Cabdulle iyo xubno kale.

Wax-yaabaha xiisaha leh ee ardaydu ku soo bandhigeen barnaamijka Usbuuca Injineerka ayaa waxaa ka mid ahaa, Bridgyo ama buundooyin loogu talo in lagu fududeeyo jidadka mashquulka badan sida isgoyska Zoope, waxaa kale oo ardaydu soo bandhigeen robot soconaya oo aan dhaafeynin halka loo calaamadeeyey, Sollar system loo isticmaalayo waraabka beeraha, si loo baajiyo shidaalka fara badan ee Matoorada, Disegn-ka taaladii Xaawo Taako oo dhameystiran,  qalab ka digaya fatahaada webiyada iyo daadadka iyo waxyaabo kale oo aad xiise badan.

Munaasabadan ama furitaanka Bandhiga ayaa ka mara-kacaya marka dhinac laga eego hormarka ballaaran oo ay ku talaabsanayaan dayarta Soomaaliyeed ee wax ku barata gudaha dalka Soomaaliya oo la yimid hindse aqoonneed oo mustaqbalka wax weyn soo kordhin kara.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
4/22/2018 2:12 PM EST
Axad, April, 22, 2018 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Kheyre, ayaa maanta daah-furay Barnaamijka Tirakoobka Shaqaalaha Rayidka ah ee dawladda, kaas oo looga dan leeyahay in la helo xog dhamaystiran oo ku saabsan shaqaalaha. Waxaan ka soo qayb galay xubno ka socday gollaha Wasiiradda iyo qaar ka mid ah Agaasimayaasha iyo shaqaalaha dawliga ah.

4/22/2018 11:19 AM EST
Axad, April, 22, 2018 (HOL)-Afhayeenka madaxweynaha Somaliland Maxamuud Warsame Jaamac, ayaa ka hadlay wefti ka socda Imaaraadka Carabta oo uu sheegay inuu la kulmeen Madaxweyne Muuse Biixi.

4/22/2018 11:16 AM EST
Axad, April, 22, 2018 (HOL)-Guddiga qaban qaabada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa soo saaray jadwalka doorashada iyo shuruudaha Musharaxiinta.

4/22/2018 8:45 AM EST
Axad, April, 22, 2018 (HOL)–Nin bam isku xoo xiray ayaa Axadi maanta 31 ruux ku dilay, xarun ku taalla magaalada Kabul oo dad badan loogu qeybinayay kaararka aqoonsiga codbixinta Afghanstan.

4/22/2018 8:32 AM EST
Axad, April, 22, 2018 (HOL) – Kaddib markii xubnaha guddiga qabanqaabadda doorashadda gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ay sheegeen in xubnaha ka tirsan golaha wasiiradda ee xilkaasi isku soo sharaxay iska casilaan marka hor xilka ay ka hayaan xukuumadda ayaa arintaasi waxaa su’aallo ka keenay Wasiirka Dastuurka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibril.

4/22/2018 6:53 AM EST
Axad, April, 22, 2018 (HOL)–Warbaahinta dawladda ayaa sheegtay in ciidamada nabadgelyaa Sucuudigu soo rideen diyaarad yar oo aan duuliye lahayn oo dul heehaabaysay xaafad ay ku yaallaan qasriyada boqortooyada ee magaalo madaxda Riyaad.

4/22/2018 4:47 AM EST
Axad, April, 22, 2018 (HOL)-Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle Cismaan Barre ayaa ka digay khilaaf iyo is qabqabsi sababa burbur ku yimaada maamulka, isagoo ku baaqay in gacmaha la is qabsado.

4/22/2018 1:05 AM EST
Axad, April, 22, 2018 (HOL) - Laba toddobaad kadib markii ay soo baxeen wararka sheegaya in dowladda Suuriya ay adeegsatay hubka kiimikada ayaa khubarada caalamiga ee ku takhasuusay baaritaanada hubka kiimikada waxaa ay gaareen magaaladii ay heysteen mucaaradka ee Douma.

4/22/2018 12:57 AM EST
Axad, April, 22, 2018 (HOL)-Waxaa soo ifbaxaya khilaaf xoog leh oo ka dhashay shir magaalada Muqdisho uga furmay Wasiirrada Warfaafinta Dowlad dhexe iyo dowlad gobolleedyada, kaddib kulan shalay ka dhacay Muqdisho oo looga hadlayay Badqabka Suxufiga.

4/22/2018 12:47 AM EST
Axad, April, 22, 2018 (HOL)–Kenya ayaa sheegtay in ay diyaarinayso Kolonyo ay la socdaan ciidamo, kuwaasoo ilaalin doona Ammaanka gaadiidka ay saarnan yihiin dadka ee Isticmaala gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

4/22/2018 12:42 AM EST
Wafdi uu hoggaaminayey Wasiirka Wasaaradda Waxbarshada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee dowladda Federaalka Somaliya Mudane Cabdiraxmaan Dahir Cismaan oo Safar shaqo ku yimid dalka Maraykanka ayaa Xaflad lagu soo dhaweynayo loogu qabtay magaalada Bloomington gobolka Minnesta ee dalka Maraykanka.

4/22/2018 12:39 AM EST
Axad, April, 22, 2018 (HOL)–Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa oo waxba kama jiraan ku tilmaamay in uu jiray heshiis la xiriira dekedda Berbera oo ay la galeen Imaaraadka Carabta.