Sacuudiga oo soo rideen diyaarad dul heehaabeysay xaafad ay ku yaalaan Qasriyada Boqortooyada
Axad, April, 22, 2018 (HOL)–Warbaahinta dawladda ayaa
sheegtay in ciidamada nabadgelyaa Sucuudigu soo rideen diyaarad yar oo aan
duuliye lahayn oo dul heehaabaysay xaafad ay ku yaallaan qasriyada boqortooyada
ee magaalo madaxda Riyaad.
Wakaaladda wararka Sucuudiga
oo soo xigatay af-hayeenka booliska Riyaad ayaa sheegtay in uu yidhi
"abaaro todobadii fiidnimo habeenkii Sabtida ayaa ciidanka nabad gelyadu
ee xaafadda Al-Khisaami ee magaalada Riyaad waxay ka war heleen diyaarad yar
oon duuliye lahayn oo ah nooca madadaalada loo kiciyo."
Af-hayeenku waxa uu intaa ku
daray in ciidanka nabadgeladu qaadeen "talaabadii haboonayd ee amrka lagu
siiyey" taas oo ahayd in ay soo ridaan diyaaraddaa yar.
Hadalkan af-hayeenku wuxu soo
baxay iyadoo baraha bulshadu ku xidhiidho ee internet-ka lagu faafiyey warar
aan la hubin oo ahaa in tacshiirad ba'an oo la is dhaafsanayaa ka socoto
goobtaa ay ku yaallaan qasriyada boqortooyadu.
Wakaaladda wararka ee Reuters
ayaa sheegtay in masuul ay xog ka heshay u sheegay in aan Boqor Salmaan Bin
Cabdicasiis markii arintaasi dhacaysay aanu joogin qasrigiisa Riyaad. Waxaanu
masuulkaasi intaa ku daray in uu boqorku ku maqnaa oo uu joogay beer uu ku
leeyahay gobolka Al-Darciyah.
Saraakiisha Sucuudigu waxay
beeniyeen in ay arrintaasi ahayd mid halis ku noqotay nabadgelyada
boqortooyada, waxaanay sheegeen in laamaha ku shaqada lihi bilaabeen baadhitaan
ay kaga gun gaadhayaan arrintan.
Bilihii u dambeeyey waxa aad
loo adkeeyey nabad gelyada xaafadda ay ku yaallaan qasriyada boqortooyada, tan
iyo markii uu bilaabay dhaxal sugaha taajka boqortooyada Sucuudiga ee Maxamed
Bin Salmaan isbedellada ballaadhan ee dhaqaale iyo bulsho ee dalka loogu
diyaarinayo in uu kaga guuro ku tiirsanaanta shidaalka, taas oo dadka
siyaasadda Sucuudiga lafa guraa ku sheegeen in ay ka cadhaysiisyay wadaadada
diinta ee xag jirka ah ee boqortooyada.
Bishii Oktoobar ee kal hore
ayaa nin dabley ahi dilay laba askari oo ka tirsan ilaalada boqortoooyada saddex
kalena ku dhaawacay qasri boqortooyadu ku leedahay magaalada Jiddah hortiisa.
Waxaana markii dambe
wasaaradda arimaha gudaha Sucuudigu sheegtay in ninkaa ilaalada laayey oo isna
ay dileen ilaaladii kale ee qasrigaasi, ahaa muwaadin u dhashay Sucuudiga oo
da'adiisu ahayd 28 jir.
Xigasho BBC
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]