3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 22, 2018
Hirshabeelle oo laga digay khilaaf sababay bur bur ku dhaca maamulka

 

Axad, April, 22, 2018 (HOL) - Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle Cismaan Barre ayaa ka digay khilaaf iyo is qabqabsi sababa burbur ku yimaada maamulka, isagoo ku baaqay in gacmaha la is qabsado.

Cismaan Barre ayaa sheegay in haddii khilaaf yimaado burbur ku xigo, waxaana uu soo jeediyo in wixii qaladaad ah lagu saxo gudaha maamulka.

“Khilaaf wax wanaagsan ma’aha, hadii la is khilaafo fashil ayaa imaanaya, burbur ayaa ku xigo, wixii qaladaad ah gudaha aan ku saxano, Baarlamaan leenahay, xukuumad leenahay, odayaal ayaa leenahay”ayuu yiri Sheekh Cismaan Barre.

Guddoomiyaha oo shalay dib ugu laabtay magaalada Jowhar ayaa hadalkiisa si gaar u taabanayay xaalado siyaasadeed oo maalmihii u dambeeyay ka soo if baxayay maamulka iyo eedeymo Xildhibaanada u jeedinayeen Madaxweynaha.

Hadalka guddoomiyaha ayaa imanaya xili maalmihii ugu danbeeyay ay soo baxayeen warar sheegaya in ay jiraan xildhibaanno ka tirsan maamulka Hirshabeelle oo mooshin ka wada mas’uuliyiinta ugu sareysa maamulka oo ay ku eedeeyay musuq-maasuq iyo wax is daba marin.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
4/22/2018 2:12 PM EST
Axad, April, 22, 2018 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Kheyre, ayaa maanta daah-furay Barnaamijka Tirakoobka Shaqaalaha Rayidka ah ee dawladda, kaas oo looga dan leeyahay in la helo xog dhamaystiran oo ku saabsan shaqaalaha. Waxaan ka soo qayb galay xubno ka socday gollaha Wasiiradda iyo qaar ka mid ah Agaasimayaasha iyo shaqaalaha dawliga ah.

4/22/2018 11:19 AM EST
Axad, April, 22, 2018 (HOL)-Afhayeenka madaxweynaha Somaliland Maxamuud Warsame Jaamac, ayaa ka hadlay wefti ka socda Imaaraadka Carabta oo uu sheegay inuu la kulmeen Madaxweyne Muuse Biixi.

4/22/2018 11:16 AM EST
Axad, April, 22, 2018 (HOL)-Guddiga qaban qaabada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa soo saaray jadwalka doorashada iyo shuruudaha Musharaxiinta.

4/22/2018 8:45 AM EST
Axad, April, 22, 2018 (HOL)–Nin bam isku xoo xiray ayaa Axadi maanta 31 ruux ku dilay, xarun ku taalla magaalada Kabul oo dad badan loogu qeybinayay kaararka aqoonsiga codbixinta Afghanstan.

4/22/2018 8:32 AM EST
Axad, April, 22, 2018 (HOL) – Kaddib markii xubnaha guddiga qabanqaabadda doorashadda gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ay sheegeen in xubnaha ka tirsan golaha wasiiradda ee xilkaasi isku soo sharaxay iska casilaan marka hor xilka ay ka hayaan xukuumadda ayaa arintaasi waxaa su’aallo ka keenay Wasiirka Dastuurka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibril.

4/22/2018 7:29 AM EST
Axad, April, 22, 2018 (HOL) – Wuxuu ahaa muuqaal qurux badna oo dhalinyaro Soomaaliyeed ay ku soo bandhigeen aqoontooda la xiriirta Tkinolojiyada kaddib Bandhigga (Usbuuca Injineerka) oo ka furmay magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta Kambaska Dr. Shahiid ee Jaamacadda Benadir oo ku yaalla deegaanka Garasbaaley ee duleedka magaalada Muqdisho.

4/22/2018 6:53 AM EST
Axad, April, 22, 2018 (HOL)–Warbaahinta dawladda ayaa sheegtay in ciidamada nabadgelyaa Sucuudigu soo rideen diyaarad yar oo aan duuliye lahayn oo dul heehaabaysay xaafad ay ku yaallaan qasriyada boqortooyada ee magaalo madaxda Riyaad.

4/22/2018 1:05 AM EST
Axad, April, 22, 2018 (HOL) - Laba toddobaad kadib markii ay soo baxeen wararka sheegaya in dowladda Suuriya ay adeegsatay hubka kiimikada ayaa khubarada caalamiga ee ku takhasuusay baaritaanada hubka kiimikada waxaa ay gaareen magaaladii ay heysteen mucaaradka ee Douma.

4/22/2018 12:57 AM EST
Axad, April, 22, 2018 (HOL)-Waxaa soo ifbaxaya khilaaf xoog leh oo ka dhashay shir magaalada Muqdisho uga furmay Wasiirrada Warfaafinta Dowlad dhexe iyo dowlad gobolleedyada, kaddib kulan shalay ka dhacay Muqdisho oo looga hadlayay Badqabka Suxufiga.

4/22/2018 12:47 AM EST
Axad, April, 22, 2018 (HOL)–Kenya ayaa sheegtay in ay diyaarinayso Kolonyo ay la socdaan ciidamo, kuwaasoo ilaalin doona Ammaanka gaadiidka ay saarnan yihiin dadka ee Isticmaala gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

4/22/2018 12:42 AM EST
Wafdi uu hoggaaminayey Wasiirka Wasaaradda Waxbarshada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee dowladda Federaalka Somaliya Mudane Cabdiraxmaan Dahir Cismaan oo Safar shaqo ku yimid dalka Maraykanka ayaa Xaflad lagu soo dhaweynayo loogu qabtay magaalada Bloomington gobolka Minnesta ee dalka Maraykanka.

4/22/2018 12:39 AM EST
Axad, April, 22, 2018 (HOL)–Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa oo waxba kama jiraan ku tilmaamay in uu jiray heshiis la xiriira dekedda Berbera oo ay la galeen Imaaraadka Carabta.