4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 22, 2018
Wasiirrada Warfaafinta dowladda dhexe iyo dowlad gobolleedyada oo isku khilaafay shir ka furmay Muqdisho

 

Axad, April, 22, 2018 (HOL) - Waxaa soo ifbaxaya khilaaf xoog leh oo ka dhashay shir magaalada Muqdisho uga furmay Wasiirrada Warfaafinta Dowlad dhexe iyo dowlad gobolleedyada, kaddib kulan shalay ka dhacay Muqdisho oo looga hadlayay Badqabka Suxufiga.

Qaar ka mid ah Wasiirrada oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay shirka lagu casuumay, laakiin markii ay yimaadeen ay la kulmeen waxyaabo ka duwan wixii markii hore loo sheegay in shirku ku saabsan ama looga hadlayo.

Wasiirka Warfaafinta maamulka Koonfur Galbeed Ugaas Xasan aya sheegay in Wasiiradda maamul goboleedyadda ay joojiyeen Shirkaasi in ay qeyb galaan.

Ugaas Xasan Cabdi Maxamed ayaa sheegay in qorsheyaal ka duwan kuwii ay filaayeen ay la kulmeen , islamarkaana qodobadii loo sheegay markii hore ay Wasaaraddu bedashay.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Wasaaradda Warfaafinta dowladda federaalka Soomaaliya oo ku saabsan cabashada ay qabaan qaar ka mid ah Wasiirrada dowlad gobolleedyada.

Magaalada Muqdisho ayaa shalay waxaa ka furmay Shir looga hadlaayay badqabka Suxufiga, waxaana shirkaasi oo buuq badan dhaliyay furay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]