4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 22, 2018
Wasiirka Wasaaradda Wax-barashada Hiddaha & tacliinta Sarre oo soo gaaray gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka
Axad April 22 2018 ( HOL)Wafdi uu hoggaaminayey  Wasiirka Wasaaradda Waxbarshada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee dowladda Federaalka  Somaliya Mudane Cabdiraxmaan Dahir Cismaan oo Safar shaqo ku yimid dalka Maraykanka ayaa Xaflad  lagu soo dhaweynayo  loogu qabtay   magaalada Bloomington   gobolka Minnesta ee dalka Maraykanka.

Xafladaan oo ay soo qaban-qaabiyeen Jaaliyadda Somaliyeed  ayaa waxaa ka soo qaybgalay Masuuliyiin ka socotay Safaaradda Somali  ee Washington oo ay hoggaaminaysay Run Said Qoorsheel,
Macalin Said Salah Ahmed oo ka mid ah macalimiinta Soomaaliyeed ee Mudada ku jiray
Waxbarashada,isla markaana haataan macalin ka ah Jaamacadda Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa ka ka hadlay taariikhda wax-barashada Somalia & Heerarka ay soo martay.

'Anigoo og Xilka ay hayaan Culeyskeeda muddada 27 sanadaha dib-u-dhaca ku dhacay Higsiga Adduunyada,meesha aan ka joogno inta ay le'eg tahay & hakashada nagu timid,1989,waxaanu  ka qayb-gallay oo bilowday meel Eeshiyadaas ka mid ah wixii la oranayey Tacliinta Adduunka,Wax-barashada loo dhan yahay,wuxuu socday 10 sanno xuskaasi,10-kaas sanno,Waxaa Caalamka la gaarsiinayey,in qof kasta oo Muwaadin ah oo adduunka ku nool in uu Helo wax-barsho,ilaa heer Dugsi sarre aqoon ahaan,.

Siyaad Ali oo ka mid ah Guddiga wax-barashada magaalada Minneapolis ayaa wasiirka uga war-bixiyey  Somalida & kaalimaha ay kaga jiraan Wax-barashada Gobolkaan.

''' Waxaan ku faraxsannahay in uu wasiirku noo yimaado,ayadoo kaalin fiican ay kaga jiraan Soomaalida Gobolkaan meelo fiican''


Wasiirka ayaa inta uu sugnaa Gobolka minnesota waxaa uu booqday Dugsi sare ee South high oo ay wax ka bartaan arday badan oo Soomaaliyeed,wuxuuna u kuur gallay,heerka wax-Barasho ay dhallinta Soomaaliyeed gaarsiisan yihiin.

Wasiirka ayaa Sidoo kale booqday xarunta dowladda hoose oo uu ka soo dhaweeyey Guddoomiyaha Degmada Lixaad Mudane Abdi Warsame,iyadoo uu halkaas,war bixin ka siiyey wasiirka xaaladda guud ee Somalida gobolkaan & doorka ay ka qaataan arrimaha Bulshada.

Intaas kaddib Wasiir Wasaaradda Wax-barshada & Tacliinta sare Mudane Abdirahman Dahir Osman,wuxuuna war-bixin ka siiyey Jaaliyadda Soomaaliyeed,guud ahaan Xaalada Hormarineed ee wadanka & Wax-qabadka ay ku tilaabsatay  Wasaaradda wax barshada Soomaaliya.

Siyad S Salah
[email protected]
Hiiraan Online
Minneapolis,MN