4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 21, 2018
Boqor Buur-madow oo xabsiga laga siidaayey iyo madaxweynaha Puntland oo ka hadlay xadhigiisa

 

Sabti, April, 21, 2018 (HOL) - Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow ayaa goor dhoweyd laga sii daayey xabsiga dhexe oo laba cisho ku jiray.

Ciidanka Amniga ayaa laba habeen ka hor xabsiga u taxaabay Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow oo wakhtigaasi ku sugnaa hoteel Maansoor ee magaaladda Hargeysa, waxaanu wakhtigii xabsiga loo taxaabayey la joogay wasiiro ka tirsan xukuumaddan.

Odayaasha deegaanka uu ka soo jeeday ayaa dadaal dheer u galay sidii boqorka xoriyadiisa dib u heli lahaa.

Boqor Buurmadow ayaa lagu eedeeyey inuu wax u dhimay qaranimadda Somaliland mar uu xaflad madax dhaqameed lagu caleemo saarayey deegaanka Puntland uu hadalo ka soo jeediyey, waxaanu boqor Buurmadow sheegay inuu ku baaqayo in ciidamada Somaliland iyo Puntland la kala qaado iyo inuu sheegay inuu afka madaxweyne Muuse Biixi ku hadlayo oo uu madasha ka sheegay, taas oo xeer ilaalintu ku soo oogtay inay tahay dambi uu ka galay qaranimadda.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Puntland Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas ayaa isna ka hadlay xadhiga Boqor Buurmadow, waxaanu sheegay in xadhigaasi uu arko khalad.

“Somaliland waxa lagu xidhay Boqor Buurmadow, waxay ila tahay isimadu inay mudan yihiin karaamo iyo sharaf, in la dhawro sharaftoodda iyo cirdigoodda in aanay sax ahayn in isim ah oo meel dalkiisa ka mid ah tagay ayuu aha, isimaradda xuduud ma leh, nabadeynta u tagi karaan, ma garan kara sababta uu ku mutaystay xadhigaasi Boqor Buurmadow, cid kasta oo soomaali oo wanaag wada waanu soo dhoweynaa”ayuu yidhi Cabdi Wali Gaas madaxweynaha Puntland.

Xadhiga boqor Buurmadow ayaa dadweyne degan degmada Ceel afweyn u mudaahraadeen, isla markaana xadhigiisa ku tilmaameen mid sharci daro ah.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.