Sacuudiga oo maanta lagu daawan doono Filim 40 sano kaddib markii ugu horeysay goob fagaaro ah laga baahiyo
Sabti, April, 21, 2018 (HOL) – Maanta
ayaa lagu wadaa in markii ugu horeysay Shacabka ku dhaqan dalka Sacuudiga 40
sano kaddib ku daawadaan Filim Goob Fagaaro ah lagu soo bandhigayo.
Kumannaan qof oo dhashay dalka Sacuudiga ayaa lagu waddaa in ka qeyb galaan
daawashada filimkaasi.
Sanadkii la soo dhaafay ayaa xayiraada saarneyd shineemooyinka laga qaaday
oo horey loo sheegay inay tahay wax diinta kasoo horjeeda, laakiin hadda sababo
dhaqaalle loo sameeyay.
Waxa ayna tallaabadan qeyb ka tahay isbadelada uu ku dhawaaqay inuu ka
hirgalinayo dhaxal sugaha Sucuudi Carabiya Amiir Maxamed dalkaasi.
Tikityada lagu galayo filimka Black Panther oo la daawanayo maanta ayaa laga
iibsaday Online ka hor dhowr daqiiqo .
Is-baddeladan ayaa waxaa loogu tala-galay in ay gacan ka geystaan in
dhaqaalaha Sucuudiga si uu uga gudbo ku tiirsanaanta shidaalka, iyo in
shaqooyin cusub loo abuuro shacabka Sucuudiga iyo waliba inay lacagahooda ku
kharash gareeyaan gudaha dalka halkii ay ugu safri lahaayeen dibaddaha si ay
shineemooyin u soo daawadaan.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]