Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay dib ugu celineyso Imaaraadka lacagtii lagala wareegay
Jimco, April, 20, 2018 (HOL) –
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibada xukuumadda Soomaaliya Axmed Ciise
Cawad ayaa sheegay in dowladda
Soomaaliya dib ugu celin doonto Imaaraadka lacagtii dhawaan lagu qabtay garoonka
diyaaradaha magaalada Muqdisho.
Wasiirka oo wareysi gaar ah
siinayay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC ayaa sheegay in lacagta la qabtay oo
dhameyd $ 9 Milyan iyo 600 oo Kun oo dollar dib loogu celin doono gacanta dowladda
Imaaraadka kaddib markii ay hay’addaha ku shaqada leh ka dhameystaan sida uu
hadalka u dhigay baaritaanka ku socda.
‘’Haa.. lacagtaasi dib ayaa
loogu celinayaa Imaaraadka marka hay’addaha ku shaqada leh ka dhameystaan
baaritaanka ku socda’’ ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya.
Sababta dowladdu la wareegtay
markii hore lacagta ayuu ku sheegay in shaki badan laga qaaday waqtiga lagu soo
beegay oo dalka ay ka jireen ayuu yiri xiisado siyaasadeed’’ Lacagaha wey iman
jireen sida aan ka war qabno, laakiin tan waxey lacagihii hore uga duwaneyd
waqtiga lagu soo beegay oo xiisad siyaasadeed ay dalka jirtay iyo aan lagu soo
wargalin dowladda’’ ayuu yiri Wasiir Cawad.
Dhinaca kale mar uu soo hadal
qaaday warkii dhawaan ka soo yeeray Wasiiru-dowlaha arrimaha dibada Imaaraadka Anwar
Gargash ee ahaa in heshiiska dekedda Berbera ay wax ka ogaayeen dowladdihii hore
ee Soomaaliya, waxaa uu sheegay Wasiir Cawad in dowladda Soomaaliya ee hadda
jirta marnaba ka war qabin heshiis arintaa ku saabsan oo dhaxmaray Imaaraadka
iyo dowladdihii hore.
‘’Waan dhageystay Wareysiga
Wasiirka waxaa uu sheegay Is faham in uu jiray, laakiin ma uusan sheegin wax
heshiis ah oo qoran oo labada dhinac dhaxmaray, Annagana ka dowlad ahaan ma
aanan arag heshiis qoran oo dhaxmaray Imaaraadka iyo dowladdihii naga horeeyay,
haddii aan aragno runtii weynu ixtiraami laheyn’’ ayuu yiri Wasiirka.
Dowladda Soomaaliya ayuu
sheegay in mar walba ay soo dhaweyneyso
wadahadal laga galo khilaafka jira, isaga oo ku raacay Wasiiru-dowlaha
arrimaha dibeda Imaaraadka baqiisii ahaa in aan khilaaffka jira lagu dhameyn qol mugdi ah.
Tan iyo wixii ka danbeeyay
markii ay dowladda Soomaaliya la wareegtay lacag ay Imaaraadku sheegeen in
loogu talagalay mishaarka iyo saadka ciidamo ay ku tababarayeen gudaha dalka
Soomaaliya, waxaa cirka isku sii shareertay xiisadii markii horeba ka dhax
jirtay labada dowladdood oo ka soo bilaabatay go’aankii dowladda Soomaaliya ay ka
qaadatay khilaafka wadamada Khaliijka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]