3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 20, 2018
Xisbiga KULMIYE oo ka jawaabay eedeyn uga timid xisbiga WADDANI

 

Jimco, April, 20, 2018 (HOL) - Xisbiga muxaafadka ah ee KULMIYE ayaa jawaab ka bixiyey hadalkii ka soo yeedhay dhigiisa xisbiga WADDANI ee uu kaga hadlayey heshiishkii dekadda Berbera.

Guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, Mudane Jaamac Ismaacil Cige(Jaamac Shabeel) oo maanta warbaahinta kula hadlay xarunta guud ee xisbiga KULMIYE ku leeyahay gudaha caasimadda Hargeysa, ayaa hadalka kasoo yeedhay guddoomiyaha xisbiga WADDANI ku sheegay mid xaqiiqada baalmarsan, isla markaana lagu dhaawacay sharafta iyo karaamada madaxweynihii hore ee dhawaan ka degay talada dalka, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo) iyo madaxweynaha haatan xilka haya, mudane Muuse Biixi Cabdi, looguna hiiliyey cid kasta oo cadow ku ah Somaliland iyo jiritaankeedaba.

Jaamac Shabeel oo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “ Guddoomiye Cirro waxa uu yidhi, ma jiro wax heshiis ah oo xukuumaddu hor keentay Golaha Wakiillada, heshiiska dekedda Berbera-na waxa uu sheegay inay wada galeen Somaliya iyo Imaraadka Carabtu ee aan Somaliland wax heshiis ah lala gelin. Waxaan la wada soconnaa in xukuumaddii hore ee Madaxweyne Siilaanyo ay Golaha Wakiillada oo uu Guddoomiye ka ahaa Guddoomiye Cirro u gudbisey taariikhdu markii ay ahayd, 9/08/2016, heshiis ku saabsan maamulka Dekedda Berbera, golaha wakiilladuna isaga oo gudanaya waajibkiisa ku cad Dastuurka Qaranka qodobka 53, xubintiisa 3-aad, waxa uu dood ka dib cod aqlabiyad ah ku ansixiyey heshiiskaasi. Guddoomiyihii Golaha Wakiilada ee xilligaasi, oo ahaa Cabdiraxmaan Cirro waa ninkii doodda, golaha wakiilada qaybinayey, isagoo cod geliyey oo u yeedhiyay golaha habka ansixinta loo marayo, go’aankii Golaha oo uu isagu saxeexayna waxa uu u gudbiyay Madaxweynihii Somaliland ee hore Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo. Madaxweynaha Soomaaliland ee hadda joogaa Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu fulinayaa heshiiskii ay ansixiyeen golaha wakiillada ee Cabdiraxmaan Cirro guddoomiyaha ka ahaa.Haddaba waxa nasiib-darro ah in Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro uu maanta ku eedeynayo labadaa madaxweyne ee u kala danbeeyey Somaliland heshiiska dariiqaa cad ee sharciga ah soo maray.”

“Eedaynta uu maanta samaynayo Guddoomiye Cirro waxa ay xadgudb sharci iyo xaqiraadba ku tahay Golihii uu hoggaaminayey ee aqlabiyadda ku ansixiyay heshiiskan, waxana cad in Mudane Cirro dafirayo heshiiskaa dariiqa dheer ee sharci soo maray ee uu xog-ogaalka ka ahaa. Guddoomiye Cirro waxa uu eeddiisa daliil uga dhigtay hadalkii Wasiiru-Dawlaha arrimaha debedda ee Imaraaadka carabtu ku sheegay waraysigii Idaacadda BBC laanteeda afcarbiga, haddaba, waxaannu Guddoomiyaha WADDANI xusuusinaynaa in Somaliland ay tahay qaran madax-bannaan oo si iskeed ah Imaraadka Carabta ula gashay heshiiska dekedda Berbera kaas oo aan marna u dhicin si qarsoodi ah saxaafadda caalamkuna soo bandhigtay, kana cadhaysiiyey dhammaan inta neceb guulaha iyo horumarka Somaliland,” ayuu yidhi guddoomiye Jaamac Shabeel.

Mudane Jaamac Shabeel wuxuu ku eedeeyey xisbiga wadani inay mar walba la safan yihiin Soomaaliya, waxaanu yidhi “Waxaad ogtihiin in guddoomiye Cirro marka ay timaaddo arrimaha horumarinta iyo tallaabooyinka caalamiga ah ee Somaliland hore u qaaddo uu la mawqif noqdo ama is barbar taago Maamulka Muqdisho oo aan marnaba oggolayn jiritaanka, iyo horumarka Somaliland, taasna waxaa idiin caddaynaya, go’aammada ay Somaliya ka qaadatay Heshiiskan, sida dacwaddii ay u gudbiyeen Golaha ammaanka ee jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa, jaamacadda carabta, iyo go’aankii ay ka qaateen golohooda baarlamaanku, dacwaddaa iyo diidmadaa Soomaaliya waxay beeninaysaa in heshiiska ay kala saxeexdeen Imaaraatka Carabta iyo Soomaaaliya.”

Xisbiga WADDANI ayaaa ku eedeeyey in labaddii madaxweyne ee iskaga dambeeyey xisbiga KULMIYE ay khiyaamo qaran ku kaceen oo ay ka been sheegeen heshiishkii dekada Berbera oo Soomaaliya saxeexday balse ay dadka ka qariyeen.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.













Click here
4/20/2018 2:46 PM EST
Jimco, April, 20, 2018 (HOL)–Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibada xukuumadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya dib ugu celin doonto Imaaraadka lacagtii dhawaan lagu qabtay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

4/20/2018 12:34 PM EST
Jimco, April, 20, 2018 (HOL)–Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo uu horkacayo Macalin Salaad ayaa u gudbay Semi Final tartanka Cecafa ciyaartoyda da’’doodu ay ka hooseyso 17 jirada.

4/20/2018 10:50 AM EST
Jimco, April, 20, 2018 (HOL)-Arsene Wenger ayaa ku dhawaaqay in dhamaadka xilli ciyaareedka in uu ka tagi doono shaqada Tababarenimo ee Kooxda Arsenal muddo 22 sano oo uu soo ley-liyay.

4/20/2018 7:47 AM EST
Jimco, April, 20, 2018 (HOL) - Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo ka qayb galay shirka looga hadlayay taakulaynta iyo cafinta deymaha Soomaaliya ee ku soo dhamaaday Washington DC ayaa rajo ka muujiyay shirka iyo natiijooyinka ka soo baxaya.

4/20/2018 2:35 AM EST
Jimco, April, 20, 2018 (HOL)–Shir caalami ah oo ay ka qeygalayaan Wakiilada dalalka Deeq bixiyeyaasha Mareykanka, Britain, Norway, QM, Midowga Yurub iyo IMF ayaa lagu qabtay xarunta Bankiga Aduunka Magaallada Washington ee dalka Mareykanka.

4/20/2018 12:49 AM EST
Jimco, April, 20, 2018 (HOL)–Boqorka dalka Swaziland Boqor Mswati III ayaa markii ugu horeysay ku dhawaaqay in uu bedelay magaca dalkiisa ee Swaziland una bixiyay “Boqortooyada eSwatini”.

4/20/2018 12:39 AM EST
Jimco, April, 20, 2018 (HOL)–Magaaladda Abuja ee dalka Nigeria, ayaa waxaa ku soo dhamaaday shirweyne socday muddo Saddex maalin ah, kaasi oo u dhaxeeyey Talisyadda Ciidanka difaaca Qaaradda Africa iyo Dowladda Mareykanka.

4/20/2018 12:25 AM EST
Jimco, April, 20, 2018 (HOL)–Maamulka Somaliland ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay xariga Boqor Cismaan Buur-Madoow oo ay xabsiga u taxaabeen ciidamada habeennimadii xalay.