4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 20, 2018
Arsene Wenger oo ka tagaya shaqada tababare-nimada Arsenal

 

Jimco, April, 20, 2018 (HOL) - Arsene Wenger ayaa ku dhawaaqay in dhamaadka xilli ciyaareedka in uu ka tagi doono shaqada Tababarenimo ee Kooxda Arsenal muddo 22 sano oo uu soo ley-liyay.

Wenger ayaa noqonaya tababaraha ugu waqtiga dheer ee xilligan Horyaalka Premier League, iyadoo sanadkii 1996 uu si rasmi ah u qabtay shaqada tababarnimo ee Kooxda.

Warkan arintan ku saabsan ayaa lagu shaaciyay Barta Twitter-ka ee Arsenal , oo lagu sheegay in markan Arsene Wenger macsalaameynayo kooxdiisa dhamaadka xili cayaareedkan.

Tababaran oo u dhashay dalka Faransiiska ayaa kooxda u qaaday Sagaal koob, oo 3 ka mid ah uu yahay Horyaalka Premier League iyo 7 Koobka loo yaqaano FA-ga.

Xilli Ciyaareedkan iyo kii ka horeeyay Arsenal waxaa uu ahaa xilligii ugu xumaa abid, iyadoo ay guul-darooyin iyo dib u dhacyo soo wajaheen, waxaana ay haatan kaalinta 6aad kaga jiraan kala sareynta Horyaalka.

Wenger waxaa siweyn labadii sano ee ugu danbeeyay ugu kacsanaa taageerayaasha kooxda, iyadoo cadaadis ku saarayay inuu iska casilo shaqada, waxaana ay xilliyada qaar garoomada u soo qaadanayeen Boorar ay ku qoran tahay halku dhigyo kala duwan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]