Wasiirro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya oo shir caalami ah uga qeybgalay Washington
Jimco, April, 20, 2018 (HOL) – Shir caalami ah oo
ay ka qeygalayaan Wakiilada dalalka Deeq bixiyeyaasha Mareykanka, Britain,
Norway, QM, Midowga Yurub iyo IMF ayaa lagu qabtay xarunta Bankiga Aduunka
Magaallada Washington ee dalka Mareykanka.
Shirkan ayaa waxaa Soomaaliya ku metelayay
Wasiirada Maaliyadda, Waxbrashada, Kalluumeysiga, waxaana shirkaasi looga
hadlayay sidii Soomaaliya looga cafin lahaa deymaha lagu leeyahay oo gaaraya
5.5 Bilyan.
Waxaa kaloo shirkan qeyb ka ahaa mashruuc Bankiga
Aduunka uu ugu tala galay horumarinta Soomaaliya Afarta sano ee soo socoto, si
kor loogu qaado dib u dhiska dalka iyo Amniga.
Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga Xukuumadda
Federaalka Soomaaliya Dr C/raxmaan Cabdi Xaashi ayaa sheegay shirkan inuu
noqday mid miradhal ah, rajo weyna ay ka qabaan in Soomaaliya laga cafiyo
deymaha lagu leeyahay.
“Shirkii aan halkan u nimid waxaan ka bilownay
wada hadalo, IMF ayaa masuul ka ah in Soomaaliya laga cafin karo lacagaha lagu
leeyahay, hadii la rabo in deenka lagaa cafiyo dariiq baa la maraa, marka
talaabooyinkii la mari lahaa baan bilownay, waxaan ku dhawnahay waqtigigii deymaha
nagala cafin lahaa.” ayuu yiri Wasiir.
Soomaaliya ayaa sanadihii la soo dhaafay isku
dayeysay in ay gaarto ama ay buuxiso boosaska Beesha Caalamka ay ugu talagaleen
wadamada deymaha lagu leeyahay in lagu cafiyo.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]