3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 20, 2018
Somaliland oo faah faahin dheeraad ah ka bixisay xariga Boqor Buur-Madoow

 

Jimco, April, 20, 2018 (HOL) – Maamulka Somaliland ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay xariga Boqor Cismaan Buur-Madoow oo ay xabsiga u taxaabeen ciidamada habeennimadii xalay.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Somaliland Faysal Xiis Cilmi oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay isaga oo aan heysan amar inuu aaday Puntland, halkaasina uu kaga dhawaaqay ereyo ka soo horjeedo Somaliland, iyaga oo intaa ku daray in uu loo gudbin doono xeer ilaalinta.

“Ciidanka Booliska waxay soo xireen Boqor Buur-madow, oo lagu eedeynayo inuu galay dambi qaran dumis ah, isaga oo Puntland kaga dhawaaqay arrin qaran dumis ah, ciidanka xarigiisa waxay u mareen sifio sharci ah, cid u fasaxday iyo cid u ogolaatay midna ma jirto inuu aado Puntland” ayuu yiri Faysal Xiis.

Boqor Cismaan Boqor Buur-madow oo Somaliland ay xirtay ayaa maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa degaanada Puntland, halkaasi oo uu uga qeyb galayay Xaflad ku saabsaneyd isir dhaqan.

Maalmihii ugu danbeeyayba waxaa sii kordhayay xariga Somaliland loogu geysanayo dadka waxgalka ah sida Abwaanada, Wariyeyaasha, Salaadiinta iyo Fanaaniinta, kuwaasi oo xabsiga loo dhigayo in ay qoraalo ku soo qoreen barahooda Internetka ama ay tageen deegaanno ka baxsan maamulka.

Todobaadkan ayeey aheyd markii maxkamada gobolka Maroodi Jeex ee Hargeysa xabsi dhan Saddex Sano ku xukuntay Abwaannad Naciimo Qorane oo ku eedeysan in qortay erayo Lid ku ah jirintaanka Somaliland.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
4/20/2018 2:46 PM EST
Jimco, April, 20, 2018 (HOL)–Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibada xukuumadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya dib ugu celin doonto Imaaraadka lacagtii dhawaan lagu qabtay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

4/20/2018 12:34 PM EST
Jimco, April, 20, 2018 (HOL)–Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya oo uu horkacayo Macalin Salaad ayaa u gudbay Semi Final tartanka Cecafa ciyaartoyda da’’doodu ay ka hooseyso 17 jirada.

4/20/2018 11:00 AM EST
Jimco, April, 20, 2018 (HOL)-Xisbiga muxaafadka ah ee KULMIYE ayaa jawaab ka bixiyey hadalkii ka soo yeedhay dhigiisa xisbiga WADDANI ee uu kaga hadlayey heshiishkii dekadda Berbera.

4/20/2018 10:50 AM EST
Jimco, April, 20, 2018 (HOL)-Arsene Wenger ayaa ku dhawaaqay in dhamaadka xilli ciyaareedka in uu ka tagi doono shaqada Tababarenimo ee Kooxda Arsenal muddo 22 sano oo uu soo ley-liyay.

4/20/2018 7:47 AM EST
Jimco, April, 20, 2018 (HOL) - Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo ka qayb galay shirka looga hadlayay taakulaynta iyo cafinta deymaha Soomaaliya ee ku soo dhamaaday Washington DC ayaa rajo ka muujiyay shirka iyo natiijooyinka ka soo baxaya.

4/20/2018 2:35 AM EST
Jimco, April, 20, 2018 (HOL)–Shir caalami ah oo ay ka qeygalayaan Wakiilada dalalka Deeq bixiyeyaasha Mareykanka, Britain, Norway, QM, Midowga Yurub iyo IMF ayaa lagu qabtay xarunta Bankiga Aduunka Magaallada Washington ee dalka Mareykanka.

4/20/2018 12:49 AM EST
Jimco, April, 20, 2018 (HOL)–Boqorka dalka Swaziland Boqor Mswati III ayaa markii ugu horeysay ku dhawaaqay in uu bedelay magaca dalkiisa ee Swaziland una bixiyay “Boqortooyada eSwatini”.

4/20/2018 12:39 AM EST
Jimco, April, 20, 2018 (HOL)–Magaaladda Abuja ee dalka Nigeria, ayaa waxaa ku soo dhamaaday shirweyne socday muddo Saddex maalin ah, kaasi oo u dhaxeeyey Talisyadda Ciidanka difaaca Qaaradda Africa iyo Dowladda Mareykanka.