4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 18, 2018
Wasiirka Tamarta xukuumadda Soomaaliya oo isku soo taagay xilka guddoomiyaha Golaha Shacabka

 

Arbaco, April, 18 , 2018 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Tamarta Soomaaliya Saalim Caliyow Ibrow Wasiirka kana tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa u dhawaaqay in uu u taagan xilka guddoomiyaha gobolka Shacabka.

Wasiirka ayaa weydiisatay xildhibaannada Golaha Shacabka in ay codkooda siiyaan si uu ugu guuleysto xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo uu sheegay inuu leeyahay khibradeeda, kana soo bixi karo waajibaadka saaran, maadaama hada ay jirto dowlad leh Hay’adaheeda Dastuuriga ah.

Guddoomiyihii Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa 9-kii bishan April iska casilay xilka Guddoonka, sida xeerka Baarlamaanka uu dhigayana ay waajib tahay in booskaas lagu buuxiyo mudo 15 maalmood ah.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka bilowday Olole doorasho oo qaar ka ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ay ugu jiraan sidii ay u raadin lahaayeen xilkii uu baneeyay Gudoomiye Jawaari.

Isla maanta sidoo kale waxaa isku soo taagay xilkan wasiirka difaaca xukuumadda Soomaaliya Maxamed Sheekh Mursal oo sheegay in uu u tartamo xilka guddoonka golaha Shacabka.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka bilowday Olole Doorasho oo qaar ka ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ay ugu jiraan sidii ay u raadin lahaayeen xilkii uu baneeyay Gudoomiye Jawaari.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]