Wasiirka difaaca oo sheegay in uu yahay musharax u taagan xilka guddoomiyaha Golaha Shacabka
Arbaco, April, 18, 2018 (HOL)-
Wasiirka difaaca xukuumadda Soomaaliya Maxamed
Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ku dhaawaaqay maanta in uu yahay musharax u
taagan xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka.
Guddoomiyihii
Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa 9-kii bishan April iska
casilay xilka Guddoonka, sida xeerka Baarlamaanka uu dhigayana ay waajib tahay
in booskaas lagu buuxiyo mudo 15 maalmood ah.
Xildhibaannada Baarlamaanka
Soomaaliya ayuu ka dalbaday in ay codkooda siiyaan si uu ugu guuleysto xilka
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo uu sheegay inuu leeyahay khibradeeda, kana soo
bixi karo waajibaadka saaran, maadaama hada ay jirto Dowlad leh Hay’adaheeda
Dastuuriga ah.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa
ka bilowday olole Doorasho oo qaar ka ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka
Soomaaliya ay ugu jiraan sidii ay u raadin lahaayeen xilkii uu baneeyay
Gudoomiye Jawaari.
Sheekh Aadan
Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo horey u soo noqday Guddoomiyaha
Baarlamaanka ayaa asna shalay ku dhawaaqay inuu yahay Musharax u taagan xilka
Guddoomiyaha Golaha Shacabka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]