3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 18, 2018
Sierra Leone Soomaaliya u soo dirtay ciidamo Booliis ah oo ka mid noqonaya howlgalka AMISOM

Arbaco, April, 18, 2018 (HOL) - Ciidamo Booliis ah oo ka socda dalka Sierra Leone ayaa lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha magaalada, kuwaa markii danbe u sii gudbay magaalada Kismaayo.

Ciidamada oo tiradoodu dhan tahay 15 Askari waxaa ay qeyb ka noqon doonaan tayaynta iyo tababaridda ciidamada Booliiska ee ka howlgala Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya,iyagoo haatan si gaar ah ugu amba baxay Jubbaland.

Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee Jubbaland ayaa horey waxaa ugu sugnaa ilaa 15 saraakiil oo boolis ah,kuwaasi oo ka socda wadanka Sierra Leone,iyadoo imaatinka 145 tan kalena lagu xoojinayo saraakiishaasi,waxaana tirada guud ay noqonaysaa ilaa 160 qof oo isugu jira saraakiil iyo askar boolis ah.

Ku-simaha taliyaha ciidanka Booliska AMISOM Christine Alalo, ayaa sheegay in ay sii xoojin doonaan awood siinta iyo tayaynta ciidamo boolis ah oo ka tirsan Jubbaland,kuwaasi oo horey booliska AMISOM ay u tababareen.

“Hawlgalkooda ayaa noqon doona dhiiri galinta ciidamada Booliiska Jubbaland. Sannadkii 2016-ka, waxaan tababar u siinnay 600 askari oo bilayska ah oo ka tirsan Jubbaland, Sierra Leone FPU waxay gacan ka geysan doonaan sidii loo dhisi lahaa awoodna loogu siin lahaa howlahooda sugida Amniga, “ayeey tiri Christine Alalo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
4/18/2018 2:58 PM EST
Arbaco, April, 18 , 2018 (HOL)-Kulan Wasiirada Waxbarashada Dowlada Federaalka iyo Dowlad goboleedyada oo markii ugu horeysay ka dhacay degmada Dhuusa-mareeb ayaa laga soo saaray War-murtiyeed

4/18/2018 2:53 PM EST
Arbaco, April, 18 , 2018 (HOL)-Wasiirka Wasaaradda Tamarta Soomaaliya Saalim Caliyow Ibrow Wasiirka kana tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa u dhawaaqay in uu u taagan xilka guddoomiyaha gobolka Shacabka.

4/18/2018 10:14 AM EST
Arbaco, April, 18 , 2018 (HOL)-Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Imaaraadka Carabta Anwar Maxamed Qarqaash ayaa ka hadlay xiisada siyaasadeed ee kala dhaxeeya Soomaaliya, isagoo soo hadal qaaday in heshiiskii Dekeda Berbera uu ku yimid is faham dhex maray dowladdii hore ee Soomaaliya.

4/18/2018 9:37 AM EST
Arbaco, April, 18 , 2018 (HOL)-Ugu yaraan Askari oo ka tirsan ciidamada dowladda ayaa ku dhimatay dagaal culus oo duleedka degmada ku dhaxmaray ciidamada dowladda iyo kuwa Al-shabaab.

4/18/2018 7:23 AM EST
Arbaco, April, 18, 2018 (HOL)-Hey’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa digniin ka soo saaray bandhig faneedyo lagu wado in 20-ka bishan lagu qabto magaalada Muqdisho, iyaga oo ugu baaqay dowladda in la joojiyo.

4/18/2018 5:38 AM EST
Arbaco, April, 18, 2018 (HOL)-Wasiirka difaaca xukuumadda Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ku dhaawaaqay maanta in uu yahay musharax u taagan xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

4/18/2018 4:38 AM EST
Arbaco, April, 18, 2018 (HOL)-Sida uu daabacay Wargeyska Al Akhbar ee ka soo baxa dalka Lebanon dowladda Imaaraadka Carabta ayaa ka hor timid siyaasadda Sucuudiga ee gudaha iyo dibadda.

4/18/2018 2:41 AM EST
Arbaco 18 April 2018(HOL)-Mukhtaar Cabdiqaadir oo ka tirsan Booliiska Magaaladda Minneapolis ayaa shalay loo dalacsiiyey darajada Saajin ama Kormeere sare,

4/18/2018 12:56 AM EST
Arbaco, April, 18, 2018 (HOL)–Agaasimihii hore ee CIA Mike Pompeo ayaa wada hadalo qarsoodi ah la yeeshay hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi kaddib booqasho uu dalkaasi ku tagay horraantii sanadkan isaga oo kulan fool ka fool ah la qaatay Kim Jong Un.

4/18/2018 12:47 AM EST
Arbaco, April, 18, 2018 (HOL)–Barbara Bush, haweenaydii hore ee Maryakanka George Bushkii weynaa ayaa habeenkii xalay ahaa geeriyootay, iyada oo 92 jir ah.

4/18/2018 12:42 AM EST
Arbaco, April, 18, 2018 (HOL)–Koox hubeysan ayaa xalay waxaa ay deegaanka Carbiska oo ku dhaw degmada Afgooye ku dileen laba Askari oo ka tiran ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.

4/18/2018 12:13 AM EST
Arbaco, April,18,2018 (HOL)–Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay khadka tellefoonka kula hadlay dhiggiisa dalka Masar Cabdulfataax Al Sisi ayaa uga mahad-celiyay taageerada joogtada ah ee ay dowladda Masar la garab taagantahay shacabka Soomaaliyeed.