4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 18, 2018
Mukhtaar Cabdiqadir oo ka tirsanaa Booliiska Minneapolis oo shalay la dalacsiiyey

Arbaco 18 April 2018 (HOL)-Mukhtaar Cabdiqaadir oo ka tirsan Booliiska Magaaladda Minneapolis ayaa shalay loo dalacsiiyey darajada Saajin ama Kormeere sare,

Kulan balaaran oo lagu qabtay xarun ku taal magaaladan ayaa waxaa isagu yimi tiro saraakiil ah oo loo dalacsiiyey darajooyin kala duwan.



Mukhtaar Cabdulqaadi ayaa waxa uu ka mid yahay Xubanaha ugu  firfricoon ee Booliiska Soomaalida ah ee Magaaladda Minneapolis.

Kulankaan lagu  dalacaysiinaayey saraakiisha Booliiska Magaaladda MPLS waxaana ka soo qaybagaly Duqa Magaaladda MPLS Jacop Frey & taliyaha Booliiska Medaria Arradondo  iyo qaysaska iyo qaraabada Saraakiisha shalay dalacday.

Mukhtaar Cabdiqadir waxuu noqonayaa sarkaalkii 3aad ee Soomaali American ah ee gaara darajada Saajin mar uu shalay  la HOL ayuu amaanay jaaliyadda Soomaaliyeed dadaalada ay kaga jiraan horemarka bulshada Minnesota, waxuuna xusay in dadkiisa Soomaaliyeed uu wax ku yahay.

Mukhtaar waxuu balanqaaday in uu diyaar u yahay caawinta dhalinyarada Soomaali Americanka ah ee doonaya inay ka qayb ka noqdaan ku biirista Booliiska Minnesota.

Siyad Said Salah

[email protected]

Hiiraan Online

Minneapolis,MN