Madaxweyne Farmaajo iyo dhiggiisa dalka Masar oo khadka Telleefoonka ku wada hadlay
Arbaco,April,18,2018 (HOL)–Madaxweynaha dowladda
Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay khadka tellefoonka kula hadlay
dhiggiisa dalka Masar Cabdulfataax Al Sisi ayaa uga mahad-celiyay taageerada
joogtada ah ee ay dowladda Masar la garab taagantahay shacabka Soomaaliyeed.
Madaxwynaha ayaa sheegay in Soomaaliya adkeyn
doonto xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah.
Madaxweyne Farmaajo ayaa marka hore ugu
hambalyeeyay Madaxweyne Sisi guushii uu ka gaaray doorashadii madaxtinimo ee
dhawaan ka dhacday Masar, wuxuuna caddeeyay in soo laabashadiisu ay gacan weyn
ka gaysanayso sii xoojinta xiriirkii adkaa ee ka dhaxeeyay labada dal.
Madaxweyne Sisi ayaa dhankiisa sheegay in Masar ay diyaar u tahay in ay gacan ku
siiso Soomaaliya dadaallada ay ku xasilinayso dalka, isaga oo uga mahadceliyay
Madaxweyne Farmaajo guulaha la taaban karo ee ay dowladda Federaalku ku
tallaabsatay bilihii lasoo dhaafay.
Labada madaxweyne ayaa iska wareystay arrimo
badan oo khuseeya labada dal oo ay kamid tahay tallaabooyinka wax ku ool ah ee
ay qaadday xukuumadda federaalka Soomaaliya ee dhinacyada amniga iyo
horumarinta dhaqaalaha.
Waxaa ay sidoo kale, isla soo hadal qaadeen in si
wadjir ah loo wajaho xaaladaha haatan ka taagan dalka iyo guud ahaan gobolka.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]