3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 17, 2018
Madaxweynaha Soomaaliya oo kormeeray Kuliyadda Jaalle Siyaad Sawirro

 


Talaado, April, 17, 2018 (HOL)– Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay weheliyaan abaanduulaha Ciidamada Xoogga Dalka Jeneraal Cabdillaahi Cali Caanood, Taliyaha Ciidanka Asluubta S/Guud. Bashiir Maxamed Jaamac iyo saraakiil kale ayaa maanta kormeer ku tagay kuliyadda Jaalle Siyaad oo xarun u ah ciidamada Burundi ee qaybta ka ah howl-galka AMISOM ee Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa cutub ka mid ah ciidanka AMISOM ee Burundi salaan sharaf ka qaatay, wuxuuna kulan gaar ah la yeeshay wakiilka midowga Afarica ee Somalia Mr.Francisco Jose Maderia iyo saraakiisha ciidanka Burundi ee saldhiga u ah kuliyada Jaalle Siyaad, madaxweynaha ayaa ka xog waraystay xaalada xerada iyo dadaalada ciidanka Burundi ay wadaan kaasoo ku aadan howlgalka dowladdu ku cirib tirayso argagaxisada Al Shabab.

Wakiilka Midowga Africa ee Somalia Mr.Maderia ayaa Madaxweynaha Soomaaliya ku sheegay inuu yahay masuul ay ka go’an tahay dhismaha ciidan xooggan uu dalka yeesho iyo in la soo afjaro kooxda Al-Shabaab,wuxuuna tusaale usoo qaatay sida uu ugu soo guuray wasaradda Gaashaandhigga oo mudooyinkii danbe ku shaqaynayay.

Kulanka marka uu soo idlaaday madaxweynaha ayaa kormeeray qaybaha ay ka kooban tahay kuliyada Jaale Siyaad, wuxuuna ku amaanay ciidanka AMISOM siday xilli kasta ugu heelan yihiin dowladda iney ku garab siiyaan sidii Al-Shabaab loogu adkaan lahaa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dib ugu laabtay Wasaradda Gaashaandhigga oo u saaka dib uga bilaabay shaqo maalmeedkiisii.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
4/17/2018 12:08 PM EST
Talaado, April, 17, 2018 (HOL)–Alla ha u naxariistee Maxamed Cabdilaahi oo watay gaari nooca loo yaqaan Candho Maydle ayaa Dooxa Aw Barkhadle ee u dhexeeya Hargeysa iyo Berbera ku qaaday kaddib markii daadad waaweyn ku soo rogmadeen.

4/17/2018 9:13 AM EST
Talaado, April, 17, 2018 (HOL)–Khuburo dhanka kiimikooyinka ah ayaa loo ogolaan doonaa in ay booqdaan goobtii la sheegay in uu weerarka kiimikada ah ka dhacay Arbacadii, sida ay dawladda Ruushku sheegtay.

4/17/2018 8:38 AM EST
Talaado, April, 17, 2018 (HOL) -Wafdi ka socday bangiga Adduunka, wasaaradaha qorsheynta iyo howlaha guud ee dowladda Soomaaliya oo shalay gelinkii danbe soo gaaray magaalada Kismaayo ayaa waxaa ay kulamo la lahaayeen madaxda Jubbaland, ayadoo kulamadaasi diiradda lagu saarayay mashaariic horumarineed oo laga fulin doono magaalada Kismaayo.

4/17/2018 5:15 AM EST
Talaado, April,17,2018 (HOL)–Danjiraha a Midowga Africa u fadhiya Soomaaliya ayaa isniintii ku dhawaaqay dadaaalo adag oo ladoonayo in looga hortago qatarta wax-yaabaha qarxa ee ku wajahan ciidamadda amaanka iyo shacabka Somaaliyeed intaba.

4/17/2018 4:19 AM EST
Talaado, April, 17, 2018 (HOL)–Xukuumada Qadar ayaa maanta Gaadiid ku wareejisay maamulka gobolka Banaadir si loo dardargeliso howlaha ka socda dowladda Hoose ee Xamar.

4/17/2018 3:29 AM EST
Talaado, April, 17, 2018 (HOL)–Sida lagu shaaciyay qaar ka mid ah warbaahinta dowladda Isreal ayaa ka sii deysay xabsi ku yaala magaalada Saxaronim ee Koonfurta Israel shalay oo Isniin aheyd 200 oo Muhaarijiin ah, kuwaasi oo ka soo kala jeeda qaarada Africa.

4/17/2018 2:35 AM EST
Talaado,April,17,2018 (HOL)-Maxkamad ku taallo Magaalada Miami ee gobolka Florida, ayaa 27-ka bishaan April lagu wadaa iney go’aan ka gaarto 52 maxaabiis Soomaaliyeed ah oo ku xiran labo xabsi oo ku yaallo magaaladaas.

4/17/2018 12:36 AM EST
Talaado, April, 17, 2018 (HOL) - Taliska ciidamada militariga dowladda Soomaaliya ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar saacadihii ugu danbeeyay soo baxayay oo sheegaya in ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya boobeen agabkii yaala dugsiga Jen Gordan oo ay maamulaan Imaaaraadku.

4/17/2018 12:24 AM EST
Talaado, April, 17, 2018 (HOL)-Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in lacagtii todobaadkii hore dowlada Soomaaliya ay ku qabatay garoonka diyaaradaha Muqdisho qeyb ka mid ah Imaaraadku ugu talagaleen ciidamada ku sugan deegaannada Puntland oo ay tababaraan.