4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 17, 2018
Baareyaasha kiimikada oo loo ogolaaday Suuriya

 

Talaado, April, 17, 2018 (HOL)– Khuburo dhanka kiimikooyinka ah ayaa loo ogolaan doonaa in ay booqdaan goobtii la sheegay in uu weerarka kiimikada ah ka dhacay Arbacadii, sida ay dawladda Ruushku sheegtay.

Koox caalami ah ayaa Suuriya ku sugnayd tan iyo Sabtidii, balse looma ogolaanin in ay booqdaan Douma.

Weerarkii 7 Abriil dhacay ayaa horseeday weerar dhanka cirka ah oo dawladdaha Brirain, Maraykanka iyo Faransiisku ay ku qaadeen xarumo ay dawladda Suuriya leedahay.

Talaadadii hore warbaahinta dawladda Suuriya ayaa sheegtay in waaxda difaaca dalkaasi ay ka jawaabtay gantaallo lagu soo weeraray magaalada galbeedka ku taalla ee Xomas.

Gantaalladaas ayaa lagu bartilmaameedsaday saldhigga ciidammada cirka ee Shayrat sida ay warbaahinta dawladdu sheegtay, balse faah-faahin kama aysan bixinin cidda soo gantay.

Warbixin kale oo ka timid malayshiyada Xisbullah ee ay Iiraan taageerto ayaa lagu sheegay in hannaanka difaaca ee Suuriya uu qabtay gantaallo lagu soo ganay garoonka milatariga ee Duuma oo ku yaalla waqooyiga bari ee magaalada Dimishiq.

Xigashada Warkan BBC